Dagaalyahaanada Shabaab oo War Kasoo Saaray Weerarkii Cuslaa ee Saake ay ku qaadeen Saldhiga Amisom ee Janaale

Dagaalyahaanada shabaab ayaa war kasoo saaray weerarkii cuslaa ee saake aruurtii ay ku qaadeen saldhig ciidamada amisom ay ku leeyihiin Degmada Janaale ee Gobolka shabeelada hoose.

Afahayeenka howlgalada dagaalyahaanada shabaab sheekh C/casiis abuu Muscab oo fariin maqal ah soo dhigay barta Internetka ayaa waxa uu ku sheegay in weerar culus oo lagu daah furay qarax ismiidaamin lagu qaaday Xerarada amisom ayan xigeen sida hadalka u dhigay ciidamo hub culus sitay oo gudaha u galay xerada.

Waxa uu sheegay in ku dhawaad 50 askari ay ku dileen weerarkii saake, waxa uu tilmaamay askar badan oo ka tirsan Ugaanda inay isku goreen wabiga shabelle oo mara meel u dhow xerada islamarkaana Shabaabka ay xabado la dhaceen.

Weerarka ayuu ku sheegay inay soo qaadeen guuto lagu magacaabo Sheekh Mukhtaar Abuu Zubey hugaamiyahoodii hore ee la dilay.

Abuu Muscab ayaa dhanka kale sheegay in weerarkan loogu aar gudayey dadkii shacabka ahaa ee Ciidamada amisom ay ku laayeen Magaalada Marka.

Weerarka saake lagu qaaday Xerada amiom ee degmada Janaale ayaa imaanaya hal sano ka dib markii la dilay hugaamiyaha Alshabaab Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu Zubeyr oo lagu dilay duqeyn xaga cirka ah oo ay fuliyeen diyaarada Mareekanka ee aan duuliyaha laheyn.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE