Gudoomiyaha degmada Marka oo ay soo waajahday laba daran mid dooro(xog)

Gudoomiyaha degmada Marka Xasan Cumarey oo laba maalin ka hor loo gelbiyay magaalada Marka ayaa hadda dhexfadhiya fashalkii ugu xumaa kadib markii ay qaadaceen asiga iyo maamulkiisa dadka degmada Marka.

Xasan Cumareey ayaa tan iyo markii uu tegay magaalada Marka aysan jirin cid ka tirsan waxgaradka magaalada iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee shacabka degmada oo la kulantay,markii uu Ceeljaalle yimid waxa uu durba ka soo raacay gawaarida qafilan ee Amisom isagoo ku dhiiran waayay uu la hadlo dadkiisa, waxa uuna degan yahay guri ku yaala bartamaha magaalada iyadoo ammaankiisa ay sugayaan qaar ka mid ah maleeshiyada magaalada dhibaatada ka wada iyo dhowr qof oo kale oo lagu sheegay in ay yihiin ciidamo Booliis ah.

Dhammaan dhalinyarada ka soo jeeda deegaanka ee ku sugan qeybaha kala gedisan ee gobolka ayaa iyagana diiday iska daa in ay ilaalo u noqdaane in xitaa isaga ay la kulmaan,mana jirin wax ilaalo ah oo ka soo raacay magaalada Muqdisho maadaama uu ku yimid diyaarad ay leeyihiin Amisom ama QM.

Qaadacaada iyo waji-gabaxa uu Gudoomiye Xasn Cumarey kala kulmay dadka Sh.Hoose, gaar ahaan reer Marka ma aha mid asiga shakhsiyadiisa lagu diidan yahay ee waa mid looga soo horjeedo maamulka ay ku jiraan dadka aan gobolka u dhalan ee lagu qasabayo reer Marka, waana mid la mid ah kan lagala hortagay Wasiir Fiqi iyo Madaxweyne Shariif Xasan.

Qaadacaada dadka Marka ee gudoomiye Xasan Cumarey ayaa timid kadib markii odayaasha iyo waxgaradka beesha Biimaal ay hordhigeen hal shuruud oo ay ku xireen in ay la shaqeeyaan gudoomiyaha iyo maamulkiisa ka hor inta uusan u soo baqoolin gudoomiyaha degmada Marka,taas oo uu jawaab cad ka bixin waayay.

Shuruuda ay odayaasha iyo waxgaradka hordhigeen gudoomiye Xasan Cumarey ayaa timid kadib markii uu gudoomiyaha ka codsaday in ay taageeraan, shuruuda ay hordhigeena waxa ay ahayd: in gudoomiye Xasan Cumarey inta uusan si rasmi ah ugu soo wareegin degmada Marka,uu marka hore tago gobolka lana kulmo dadka ay talada ka go’do ee ka soo jeeda beesha Biimaal, una sharaxo qorshihiisa, iyo sida uu damacsan yahay in uu ka yeelo kaabamooriyaanta aan gobolka u dhalan ee dhibaatada ka wada, kana gado fekerkiisa dadka uu ka soo jeedo, hadii waxgaradka gobolka ay u arkaan in ay dan ugu jirto ay markaas wixii ka dambeeya taageero dhan walba ah ay la garab istaagi doonaan, hadii uu ku fashilmo in uu ku qanciyo waxa uu wadana ay la micno tahay in fashil waxan ahayn uusan sugeyn.

Waxgaradkan ayaa u soo jeediyay gudoomiye Xasan Cumar in booqashadiisa uu dadkiisa ku qancinayo uu ka bilaabo Tuulada Muuri ee gobolka Shabeelada Hoose oo ah tuulo saldhig u ah odayaal iyo dhalinyaro caan ku ah difaaca dadka Sh.Hoose, halyeeyo badana ku waayay dagaaladii lala galay maleeshiyada dhibaatada ka wada gobolka, iyo kuwo kale oo si baniaadanimada ka baxsan ugu dileen tuulada maleeshiyada dowladda.

Gudoomiye Xasan Cumarey ayaan wax jawaab ah ka bixin shuruuda la hor dhigay, waxa uuna maalmo yar kadib yimid magaalada Marka, laakiin waxaa ku sugayay magaalada iyo deegaanada ku hareereysan waxa ay ugu sheegeen waxgardka aan soo xusnay magaalada Muqdisho, waxa uuna hadda dhex fadhiyaa fashilkii looga digay.

Markii uu yimid magaalada kadib ayaa gudoomiye Xasan Cumarey oo gaaray xarun ay ciidamada Amisom ka degan yihiin xaafadda Ayuub ee magaalada Marka si uu kulan ula qaato saraakiisha Amisom ayaa waxa uu dalbaday in uu la kulmo Saraakiisha ciidamada deegaanka ee ku sugan magaalada Marka, jawaabtoodana waxa ay ahayd in uu marka hore cadeeyo mowqifkiisa ku aadan maleeshiyada dhibaatada ka wada gobolka, iyo raga aan gobolka u dhalan ee ku jira maamulkiisa, waxa uuna ku jawaabay in la siiyo waqti seddex maalmood ah.

Waa ay cadahay in gudoomiyaha seddex maalmood uusan ku keeni karin jawaab dadkiisa qancisa, waayo hadii uu hayo waxa uu horay u siin lahaa odayaasha shuruuda hordhigay, waxaana cad in ay hor taalo laba daran mid dooro, taas oo ah in uu doorto waxa ay dadkiisa rabaan sidaasna ku waayo kuwa uu balanta la soo galay iyo in uu doorto waxa ay rabaan kaaba mooriyaanta dhibaatda ka wada gobolka,oo uu sidaas ku waayo dadkiisa.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE