Kaaba Mooryaan Diirshe Oo Maleeshiyo Ku aroorinaya Beer Ku Taala Deegaanka Jeebey

Kaaba Mooryaan Diirshe Cumar Warsame oo ka mid ah Kaaba Mooryaanta Magaca ku leh dagaalada Beesha Biimaal islamarkaana inta badan isku qariya shirarka ayaa Maleeshiyo ku aruurinaya deegaanka Jeebey oo u dhow Golweyn ee Gobolka Shabeelada hoose.

Maleeshiyadan ayaa laga kala keenay tuulooyin ka tirsan Shabeelada hoose si loogu beero colaad ka dhan ah Beesha Biimaal.

War aan helay ayaa xaqiijinaya in Maleeshiyadan qaarkood si qafaal ah looga soo waday deegaanadooda ayna jireen kuwo kale oo baxsaday ka dib markii ay ka warheleen qorshaha loo qafaalayo oo ah inay la dagaalamaan Beesha Biimaal.

Xearada lagu diyaarinayo maleeshiyada ayaa lagu magacaabaa Biyeeni oo kasoo horjeeda Beerta loogu magac daray Jeebey.

Kaaba Mooryaan Diirshe ayaa shacabka reer shabeelada hoose waxa ay ku xusuustaan shirqoolka iyo dhagaraha loo dhigo odayaasha.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE