Shabaab Oo Dagaal Xoogan Kula Wareegtay Xerada Amisom ee Janaale

War hada naga soo gaaray Degmada Janaale ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa sheegaya in dagaal xoogan lagula wareegay xerada Ciidamada amisom ay ku leeyihiin Degmadaas ee Gobolka Shabeelad hoose.

Warka aan helanay ayaa sheegaya in dagaalyahaano ka tirsan shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen salaada subax ka dib Xerada Ciidamad amisom ka dibna ay u suuragashay inay la waregaan xerada.

Weerarka ayaa ku bilowday fal isqarxin oo ruux naftii hura ah uu galay albaabka xerada amisom ka dibna waxa xigay weerar u badan madaafiic.

Ciidamada amisom ee halkaasi ku jiray ayaa naloo soo sheegayaa inay noqdeen qaar la dilo, qaar baxsaday iyo qaar gacanta lagu dhigo.

Dad ku sugan Janaale oo la hadlay Markanews ayaa sheegaya in haatan Dagaalyahaanada shabaab ay gudaha xerad u daateen.

Wixii kusoo kordha halkan ayaan kusoo gudbin doonnaa.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE