Shariifow Ciidankii Salaanta Sharafta aad ka qaadatay Ciidan Noocee ayey ahaayeen?

Horaantii Bishii Apriile ee Sanadkan Degmada Nambar 50 waxa soo garay wafdi uu horkacayey Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Madaxweyne Shariif Maalintaas waxa meesha kusoo dhaweeyey Maamulka Nambar 50, Shacabka iyo Ciidanka oo ahaa Ciidankii ugu horeeyey oo Dhiig u daadiyey Maamulka Shariif hirgelintiisa.

Ciidamo dares labisan heegan ku jira ayuu Madaxweyne Shariif uu hor istaagay, waxa uu ka qaatay Salaan, waxaaana salaantaas bixinayey Col. Xasan Turki oo ka mid ahaa Ciidamadii Kumaandooska ee Xooga Dalka Soomaaliyeed, Xasan Turki hada waxa uu ka mid yahay saraakiisha Ciidamada deegaanka.

Maalintaas Shariif Xasan Sheekh Aadan hadaladii uu ka jeediyey Munaasabada soo dhaweynta waxa ka mid ahaa in ciidamadaas ay yihiin kuwa ka kala tirsan Boliiska iyo Nabad sugid Maamulka Koonfur galbeed.

Madaxweyne Shariif Maalintaas ma jirin cid wax ka weydiisay Ciidankaas ama ku qasabtay inuu sheego inay yihiin Ciidan ka tirsan maamulkiisa, koonfur galbeedna ay il gooni ah ku eegto.

Waxaa soo baxaya in hada Shariif Ciidamadii sidaa ahaa inuu hada yiraahdo waa shabaab, waa maleeshiyo iyo wax la mid ah, waxa naga su’aal ah Maamlintii uu hor istaagayey Ciidamad hada uu suurad xumeenayo maxay ahaayeen.

Waa Kuwan Ciidankii Maalintaas Salaanta bixiyey.

DSC03232

DSC03299

DSC03294
Col. Xasan Turki oo Salaan Siinaya Madaxweyne Shariif
Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE