Suldaanka Beesha Tuni Oo Kulan La qaatay Ciidamo Ka tirsan Deegaanka Oo Fariisin Ku leh Duleedka Buulo Mareer

Suldaan Xasan Binheeji oo ah Suldaanka Beesha Tuni ee Degta qaybo ka mid ah Shabeelada hoose ayaa booqday Fariisin Ciidamada deegaanka ah oo maalmihii ugu dambeeyey lagu aruurinayey Deegaanka Cambarey ee Duleedka Buulo Mareer.

Ujeedka Socdaalka Sukdaan Binheeji ayaa ahaa inuu guubaabiyo Ciidamada halkaasi ku sugan uuna siiyo warbixin ku aadan qaabka ay ku bilaabmi karaan halganka Deegaanadaas oo ay ukumo dhigteen Maleeshiyo aan deegaanka u dhalan.

Waxaa uu uga xog waramay dayacaada deegaanka iyo hamiga ku jira kooxo dhul doon ah oo shaar dowladeed wata kuwaas oo isa siiyey Baraawe iyo Buulo Mareer oo ay u arkaan inay jirin quwad kale oo ku haaysata.

Suldaanka Beesha Tuni ayaa halkaasi ka sheegay in loo baahayahay halgan dheer oo ay iska kaashtaan Beelaha Biimaal iyo Tuni ee deegaanadaas ku xoogan si loo soo celiyo dhul badan oo hada gacanta ka maqan.

Booqashada Suldaanka Guud Beesha Tuni ee Duleedka Buulo Mareer Sudaan Xasan Binheeji ayaa kusoo aadaya Xilli Ciidamo deegaanka ah oo halkaasi lagu aruuriyo ay u diyaar garoobeen inay dgaaal la galaan Maleeshiyada Xasan Jaamici ee xooga ku joogta Buulo mareer.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE