Taangiyaal Gurmad ah Oo Ka dhaqaaqay Xerooyinka Danow iyo Shalambood oo kusii qulqulaya Janaale

Taangiyaal iyo dabaabaad ay wataan ciidamada amisom ee fariininka ku lahaa shalambood iyo Danaow ayaa ku dhaqaaqay wadada aada Janaale.

Gaadiidka ay wataan ciidamadan oo aad u tira badan ayaa ugurmanaya ciidamada saake gudaha loogu galay janaale oo ilaa haatan dagaal xoogan uu ka socdo saldhiga dhexdiisa.

Ciidamada kasoo baxay Saldhiga Danow ayaa lasoo sheegayaa inay hada gaareen Mushaani oo duleedka ka ah Janaale, halka kuwa ka dhaqaaqay Shalambood ay hada gudbeen Deegaanka Buufow bacaad.

Shabaab ayaa gudaha weli ugu jira saldhiga saake ay qabsadeen.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE