Abaanduulaha ciidamada deegaanka oo gaaray aaga Buulo mareer

DSC09723Abanduulaha ciidamada deegaanka iyo saraakiil kale oo la socota ayaa maanta gaaray duleedka deegaanka Buulo mareer.

Abaanduule Xasan Maxamed Shirbaq ayaa ku macneeyay booqashidiisa kormeer uu ku soo sameynaayo ciidamada deegaanka ee ku sugan duleedka Buulo Mareer.

Abaanduule Xasan ayaa intaa ku daray in booqashadiisa ay qeyb ka tahay howshiisa uu u hayo dadkiisa, waxa uuna u kuurgeli doona howlaha ka socda aaga Buulo mareer iyo baahida ciidamada deegaanka ee halkaas ku sugan,si uu dib ula soo noqdo wixii uu halkaas kala kulmay taliska ciidamada deegaanka.

ABaanduulaha ayaa sheegay in ciidamada deegaanka ee ku sugan aaga Buulo mareer ay niyadooda aad u sareyso ayna diyaar u yihiin in ay naftooda u huraan si ay uga soo dhalaalaan howsha ay bulshada u hayaan, asiga uu waxbixino ka dhageystay taliyaasha ciidamada ee aagaas.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE