Dhageyso Alshabaab oo weli gacanta ku heysa degmada Jannaale

Warar laga soo xigtay dad ku sugan degmada Jannaale ee gobolka Sh.Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Alshabaab ay ku sugan yihiin bartamaha magaalada.

Gacan ku heynta Alshabaab ee magaalada ayaa imaaneysa iyadoo maalintii shalay ahayd ay qasaare xoog leh ku gaarsiiyeen weerar ay ku qaadeen xero ay ciidamada Amisom ku lahayd duleedka Jannaale.

Xerada lagu dagaalamay ayaa lagu soo waramayaa in ay hadda cidna ku sugneyn.

Amisom iyo dowladda ayaa sheegay in Jannaale ay gacantooda ku jirto.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE