Amisom Oo Beenisay In Khasaare Xoogan Lagu Gaarsiiyey Weerarkii Janaale

Afahayeenka Ciidanka Amisom ayaa beeniyey in khasaare xoogan uu kasoo gaaray weerarkii shalay lagu qaaday xerada ay ku leeyihiin Degmada Janaale ee Gobolka shabeelada hoose.

Afahayeen Paul Njuguna ayaa xusay in aan laga saarin xerada islamarkaana aanu jirin khasaare la sheegi karo oo ka dhashay weerarka.

Sidoo kale waxa uu beeniyey askar nool nool looga qabtay dagaalkii shalay warkaasna uu yahay mid aan weli la xaqiijin karin hase ahaatee ay sameen doonaan baaritaan si loo ogaado dhab ahaanshaha warkan.

“Ma jirto ciidamo nolol lagu qabtay, ciidamada AMISOM way iska cabiyeen, si buuxda ayaana gacanta ugu heynaa xerada” ayuu yiri afahayeenka.

Dagaalyanaahada Shabaab ayaa weerarkii labaad ka geystay gobolka shabeelada hoose kuwaas oo sida la aaminsanyahay khasaare xoogan kusoo gaaray Ciidamada amisom

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE