Dhageyso Afhayeenka K.Galbeed oo beeniyay in la qeybsaday xildhibaanada Baarlamaanka

Afhayeenka madaxweynaha maamulka K.Galbeed Cabdulqaadir Nadaara ayaa beeniyay in beelaha dega K.Galbeed ay qebsadeen xubnaha baarlamaanka maamulkaas.

Nadaara ayaa intaa ku daray in odayaasha ay weli u fadhiyaan sidii ay u qebsan lahaayeen beelaha xubnaha baarlamaank,welina aysan howshaas dhamaan.

Mar la weydiiyay odayaal ka soo jeeda beelo qaarkood oo madaxa ka baxay, ayaa waxa uu sheegay in aysan jirin odayaal ka baxay madasha lagu soo xulayo xubnaha baarlamaanka K.Galbeed.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE