Dhageyso K.Galbeed oo 300 ciidamo ah ka qoraneysa dagmo walba gobolka Sh.Hoose

Afhayeenka madaxtooyada maamulka K.Galbeed Cabdulqaadir Nadaara ayaa sheegay maamulka K.Galbeed uu dhowaan ciidamo suga ammaanka u sameyn doono gobolka Sh.Hoose.

Nadaara ayaa intaa ku daray in ciidamadan maamulka uu ka soo qoran doono degmo walba oo ka tirsan gobolka Sh.Hoose.

Afhayeenka waxa uu hoosta ka xariiqay in ciidamo qoristan ay qeyb ka tahay qorshaha guud ee maamulka uu ciidamo ugu sameynayo seddexda gobol ee uu ka kooban yahay, ayna horey uga bilaabatay in gobolada Bay iyo Bakool laga soo qoro degmo walba oo katirsan 300 ciidan, Sh.Hoose-na ay dhowaan ka bilaaban doonto.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE