Dil ka dhacay deegaanka Lo’-talaalka ee gobolka Sh.Hoose

War hadda naga soo gaaray deegaanka Lo’talaalka ee gobolka Sh.Hoose ayaa sheegaya in halkaas caawa lagu dilay nin ceel biyood xoog ku heystay tan iyo burburkii dowladda dhexe.

Ninka la dilay ayaa 25 sano ee la soo dhaafay uu xoog ku heystay ceel biyood ay dowladii Maxamed Siyaad halkaas ka hirgelisay iyo beero ka agdhowaa oo uu xoog uga qaatay dadkii deegaanka ee lahaa.

Lama yaqaano ilaa hadda cidda ka dambeysa dilka ninkaas, balse dad ku sugan tuulada oo aan la xiriirnay waxay noo sheegeen in ninka la dilay uu ka mid ahaa Kaaba-mooriyaanta Habargidir ee ka howlgala halkaas.

Deegaanka Lo’talaalka ayaa dhaca inta u dhexeysa deegaanka Buulo iyo degmada Baraawe.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE