Madaxweyne Shariif oo mar kale dib ugu laabanaayo Markacadey(xog)

Warar hoose oo ay heshay Shabakadda markanews ayaa sheegaya in lagu wado in madaxweynaha K.Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan lagu wado in mar kale uu ku laabto degmada Marka.

Wararka ayaa intaa ku daray in madaxweyne Shariif lagu wado in maalinta Jimcaha ee soo socoto uu dib ugu laabto magaalada Marka.

Madaxweyne Shariif ayaa lagu wadaa in uu la kulmo waxgaradkii gobolka ee booqashadiisa usbuucii hore uu la kulmay kuwaas oo ka cabanaya in maamulka K.Galbeed uu maamulka ugu dhisay degmada Marka, iyo kaabamooriyaanta uu ku sharciyeynaayo dadka deegaanka.

Kulankii hore ee ay yeesheen Madaxweyne Shariif iyo odayaasha Marka ayaa ku dhammaaday natiijo la’aan kadib markii odayaasha ay ku adkeysteen in aysan aqbaleyn maamul ay ku jiraan kaaba mooriyaanta dhibaatada ku haya dadka gobolka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE