Muxuu ka yiri Suldaan Ibrahim Cali Xaaji fashilka uu dhex maquuranayo Gudoomiye Xasan Cumarey?

Tegista gudoomiyaha degmada Marka ee magaalada Marka ee uu fashilka hareeyay ayaa is-eedeyn iyo fara isku fiiq ka dhex dhalisay wasiirada K.Galbeed ee u dhashay beesha Biimaal iyo Suldaan Ibrahim Cali Xaaji.

Is-eedeyntan ayaa salka ku heysa in suldaan Ibrahim  ay aad u taabatay natiijada aan wanaagsaneyn ee ka soo baxday booqashada wafdiga madaxweyne Shariif Xasan iyo mudaaharaadka looga hor yimid iyo in dadka degmada Marka qaadacaan gudoomiye Xasan Cumarey, maadaama uu isaga-waa suldaan Ibraahin- uu ahaa naqshadeeyaha maamulka cusub ee degmada Marka.

Ilo ku dhow dhow Suldaan Ibrahim Cali Xaaji ayaa u sheegay Markacadey.com in Suldaanka uu aad uga xumaaday fashalka hareeyay booqashada, uuna sheegay in wasiir Maxamed Xasan Faqi iyo madaxweyne Shariif Xasan aysan isaga kala tashan booqashada wafdiga ee Ceel jaalle iyo Marka, iyo u wareegida gudoomiye Xasan Cumarey ee magaalada Marka.

Suldaanka ayaa intaa ku daray in tegista gudoomiyaha cusub ee degmad Marka ee magaalada Marka ay ahayd arin lagu degdegay, ayna ahayd in booqashada wafdiga dib loo dhigo, marka horena gobolka loo diro wafdi u sii gogol xaara booqashada wafdiga si ay dadka gobolka ugala hadlaan arintas.

Ilaha aan warkan ka soo xiganay ayaa intaas ku daray in Suldaan Ibrahim uu dusha u saaray masuuliyada fashilka ku yimid booqashada madaxweynah K.Galbeed.

Waxaa xusid mudan in Suldaan Ibrahim Cali Xaaji uu yahay maskaxda ka dambeysa soo dhisitaanka maamulka aan xalaasha ahayn ee degmada Marka oo uu kaligiis lahaa go’aanka lagu soo dhisay,waxa uuna wadaa hadda dadaalo uu ku kala gadayo odayaasha gobolka si uu u meel mariyo maamulkaas lagu soo dhisay rabitaanka beesha Indhacade.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE