Nin beeraley ah oo ka badbaadiyay qaar ka mid ah askarta Amisom weerarkii Jannaale

Intii uu socday weerarkii Alshabaab ay ku qaadeen xerada Amisom ee Jannaale ayaa qaar ka mid ah firxadka ciidamada Amisom waxaa badbaadiyay mid ka mid ah beeraleyda ku sugnaa beer ku dhow xerada lagu dagaalamay.

Wararka aan ka heleyno Jannaale aya sheegaya in ciidamo Amisom ah oo gaarya 7 askari oo xerada ka firxaday ay ugu tageen ninka beeraleyga beertiisa,kadibna ay jirdil u geysteen, waxayna ku yiraahdeen nagey deegaanka Shalambood.

Ninka beeraleyga ah oo mid ka mid ah gacantiisa ay ka jebiyeen ayaa ka soo ka xeeyay ciidamada 7 askari ah Jannaale,isagoo lug ku geeyay Shalambood,sidaasna ku badbaadiyay askartaas.

Ciidamada Amisom ayaa dib usiiyay xoriyadiisa kadib markii uu geeyay Shalambood isagoo gacanta ka jaban.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE