Ra’iisul wasaare Sharmarke iyo Gudoomiye Jawaari oo uu u socdo kulan lagu badbaadinayo Xasan Sheekh

Waxaa goor dhoweyd kulan ay albaabada u xiran yihiin isugu yimid Ra’iisul wasaare Cabdirashiid Sharmarke iyo gudoomiyaha Barlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari.

Ilo ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in labada mas’uul ay ka hadlayaan mooshinka ka dhanka ah madaxweyne Xasan Sheekh ee qaar ka mid ah xildhibaanada u gudbiyeen gudoonka baarlamaanka.

Kulanka ayaa ilaa hadda soconaya, wixii war ah ee ku soo kordhana dib ayaan idinkula socodsiin doona.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE