Saraakiil reer galbeed ah oo sheegay khasaaraha dhabta ah ee Amisom ka soo gaaray Jannaale

Wargeyska lagu magacaabo Global Post oo soo xiganaya AFP ayaa daabacay in Ciidamada AMISOM khasaaraha ka soo gaaray weerarkii Jannaale ay ku qaadeen Xarakada AL-shabaab uu badan yahay.

AFP ayaa sheegtay iyada oo soo xiganeya Saraakiil milatari oo reer Galbeed ah iyo mid ka mid ah dadka degaanka in Weerarkaasi AMISOM uu ga soo gaaray Khasaare mugleh.

Waxaa ay sheegtay AFP in 50 ka mid ah Ciidamada AMISOM ay dhinteen 50 kalena aan la hayn raq iyo ruux, mid ka mid ah dadka Jannaale oo magaciisa lagu sheegay Xuseen idiris ayaa u sheegay AFP in isaga uu arkay meydadka 30 Askari oo AMISOM ka tirsan oo Al-shabaab ay muuqaal filim ah ka duubayaan.

Saraakiisha militari ayaa sheegaya in saldhigaas ay joogeen 100 Askari oo AMISOM ka tirsan una dhashay Uganda kuwaas oo midkoodna aan lahayn.

AMISOM ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in ay xeelad milatari uga baxeen Saldhigga billowgii dagaalka islamarkaana ay dib ula wareegeen.

Al-shabaab ayaa dhankeeda sheegtay in weerarkaas ay ku dileen 50 ka mid ah Ciidamada Uganda ka socda islamarkaana ay uga aargudayeen Dad rayid ah oo iyaga oo Xaflad aroos ah jooga ay Ciidamada Uganda inta rag iyo dumar u kala saareen 7 ku dileen halkaasi.

Saraakiisha militari ee ay soo xiganeyso AFP ayaa u sheegay in 200 oo xubnood oo ka tirsan Al-shabaab ay weerarkaasi fuliyeen, ka hor weerarkana ay soo bur buriyeen laba Buundo si aan loogu soo gurman.

AMISOM waxaa ay sheegtay in ay waddo tira koob khasaaraha ka dhashay weerarka ee dhimasho,dhaawac iyo khasaare maaliyadeedba.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE