Taliyaha Ciidamada deegaanka ee aaga Buulo mareer oo markii ugu horeysay ka hadlay diyaargarowgooda

Waxaa si xowl ah ku socda diyaargarowga ciidamada deegaanka ee maalmahanba isku urursanayay duleedka deegaanka Buulo Mareer.

Wararki ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya duleedka Buulo mareer ayaa sheegaya in ugu yaraan 200 oo dhalinyaro ah oo ay u dhantahay saanadooda ay ku sugan yihiin halkaas, iyadoo lagu wado in tiro kale ay soo gaaraan maalmahan soo socda.

Taliyaha ciidamada deegaanka ee aaga Buulo mareer Cabdullahi Adeer oo markii ugu horaysay la hadlay warbaahinta markacadey.com ayaa sheegay in ujeedadooda aysan ahayn in ay wax dhibato ah gaarsiiyaan dad rayid ah, qabiilka uu doono haka soo jeedee, qorigoodana uu ku wajahan yahay maleeshiyada Xasan Jaamici ee duulaanka barakicinta ku heysa dadkooda ku dhaqan buulo Mareer iyo deegaanada ku hareereysan.

Taliye Cabdullahi Adeer ayaa intaa ku daray in go’aanka ku saabsan in ay iska difaacaan dulmiga uu ahaa mid ah sanado hore ay gaareen laakiin tacadiyada joogtada ah ee maleeshiyada Xasan Jaamici ay ka wadaan guud ahaan gobolka, iyo gaar ahaan Buulo mareer ay ku qasabtay in ay qoriga u qaadan si ay u difaacaan maatidooda.

Mar an weydiinay taliyaha qorshahooda iyo in ay weerarayaan Buulo mareer si ay uga sifeeyaan maleeshiyada Xasan Jaamici waxa uu ku gaabsaday in xeelahooda dagaal, iyo istaraatiijooyinkooda aysan ahayn kuwo ay saxaafadda ka sheegayaan, laakiin maalmaha soo socda ay dhegaha dadka gobolka soo gaari doonaan warar lagu farxo.

Taliye Cabdullahi Adeer ayaa si cad u sheegay in maleeshiyada Xasan Jaamici ay yihiin kuwo ku hubeysan hub dowladeed, taakulo joogta ahna ka helaya wasaaradda difaaca ee dowladda Muqdisho iyaga dhankoodana ay ku tashanayan jeebkooda iyo taageerada dadkooda laakiin xaqa ay ku taagan yihiin iyo kalsoonida ay ku qabaan dadkooda iyo naftooda darteed ay guulo ka soo hoyin doonaan maleeshiyada Xasan Jaamici.

Waxaa xusid mudan in ciidamada deegaanka ee ku sugan duleedka degmada Buulo Mareer ay ka kala yimaadeen dhammaan deegaanada dhaca Baraawe ilaa Buulo, dadaalkoodana uu yimid kadib markii maleeshiyada Xasan Jaamici ay ku dileen gudaha Buulo dad badan oo rayid ah oo ka soo jeeda beesha Biimaal, Xasan Jaamicina uu dhegaha ka fureystay baaqyo ay u jeediyeen odayasha Buulo oo ka soo jeeda dhammaan qabiilada soomaliyeed ee ku dhaqan Buulo oo ahaa in uu joojiyo colaada uu hurinayo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE