Wadooyinka Soo gala Madaxtooyada Soomaaliya Oo Maanta Xiran

Wadooyinka Soo gala xarunta Madaxtooyada soomaaliya ayaa maanta xiran waxaana lagu soo daadiyey ciidamo fara badan.

Gabi ahaanba Baabuurta yar yar iyo kuwa rakaabka ayaa loo diiday inay maraan wadooyinka hormara madaxtooyada.

Waxaa lagu soo daadiyey ciidamada loo yaqaano koofi gaduud oo qaabilsan amaanka madaxtooyada,waxaa kaliya loo ogolyahay inay maraan gaadiidka Ciidamada iyo kuwa ay wataan mas’uuliyiinta Dowlada.

Lama oga sababta ka dambeysa in maanta la xiro wadooyinka qaar ee Muqdisho hase ahaatee waxaa laga cabsi qabaa in ay dhacaan falal amni daro.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE