Dhageyso Gudoomiyaha degmada Marka oo baaq u jeediyay Reer Marka

Gudoomiyaha degmada Marka Xasan Cumarey ayaa ugu baaqay dadka ka barakacay guryahooda degmada Marka in ay dib ugu soo laabtaan.

Gudoomiyaha ayaa ugu baaqay dadkii ka qaxay guryahooda in ay dib ugu soo laabtaan,iskuulada iyo goobaha ganacsiga ee ku xiray dagaaladana dib loo furo.

Gudoomiye xasan Cumar ayaa intaa ku daray in ay rajeynayaan in colaadaha ka dhacay degmada aysan dib u soo laaban.

Inkastoo gudoomiye Xasan Cumar uu ugu baaqay dadka degmada in ay dib ugu soo noqdaan guryahooda iyo goobahooda ganacsi,haddana ma sheegin wax talaabo ah oo ay qaadeen oo ay ku damaanad qaadayaan ammaanka dadka soo noqonaya iyadoo la ogyahay in maleeshiya beeleedka huwan magaca dowladda ee dadka ka barakiciyay guryahooda iyo goobahooda ganacsi ay weli ku sugan yihiin qeybo ka mid ah gudaha degmada Marka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE