Golaha ammaanka oo war ka soo saaray weerarkii Jannaale

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay weerarkii kooxda Alshabaab ku qaaday xerada ciidamada AMISOM ee degmada Jannaale.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Qaramada Midoobey ayaa sidoo kale tacsi loogu diray askartii ka tirsaneyd ciidamada Ugandha ee lagu dilay weerarka.

Golaha ammaanka ayaa ku baaqay in cadaalada la horkeeno kuwa soo qorsheeyay,maalgeliyay iyo kuwa fuliyay weerarka.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay golaha ammaanka ayaa sidoo kale loogu baaqay dalalka caalamka in la garabistaago xukuumdda Soomaliya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE