Shabaab Oo Digniin U Diray Milkiiliyaasha Hoteelada Muqdisho

Sheekh Cali Maxamed Xuseen (Cali jabal) oo ah mas’uulka Shabaab u qaabilsan Gobolka Banaadir ayaa war kasoo saaray hoteelada Muqdisho ku yaala.

Cali Jabal ayaa aheegay in hoteelada ku yaala Muqdisho iyo Xeebta Liido ay noqdeen goobo lagu tunto oo uu ka jiro fasahaad dadka lagu baadiyeenayo.

Waxa uu tilmaamay in hey’ado u adeega gaalada ay ku lug leeyihiin wax uu ku tilmaamay fasahaadka Muqdisho oo dhaqaale fara badan ay ku bixinayaan.

Waxaa uu soo hadal qaaday berigii ay ka talin jiteen Muqdisho in wax badan ay xakameeyeen laakiin hataan jaanis loo helay baahinta fasahaadka iyo waxyaabaha faaxishada ah.

“Waxaan ognhaya in ay jiraan hey’ado fangareeya Tumashada iyo kuwo fangareeya banooniga, dumar loo soo xiray Boome iyo fanaanad la leeyahay ha ciyaareen Banooni raga fiirsanaya iyo dhaqan xumidaas ma’ahan mid iska dhaceysa rag baa u fadhiya oo maskax ku bixiya juhdi iyo kharash geliya” ayuu yiti Cali Jabal.

Mas’uulka shabaab ee gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay sida uu sheegay cid kasta oo ku leg leh eedeymaha uu soo jeediyey inay ka joogaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE