Taliyaha Ugu Sareeya Ciidamada Uganda Oo gaarey Muqdisho

Taliyaha Ciidamada Uganda Katumba Wamala ayaa safar ku yimid Magaalada Muqdisho laba maalin ka dib weerarkii shabaab ay ku qaadey Xerada amisom ee Janaale.

War kasoo baxay taliska Uganka ayaa lagu sheegay Safarka Wamala uu ahaa mid deg deg ah si uu kulamo uu ula qaato saraakiisha ciidamada Uganda iyo kuwa amisom ee ku sugan Soomaaliya si ay uga wada hadlaan qaabka uu u dhacay weerarka Janaale lagu qaaday.

Warka Uganda laguma sheegin in Generaalka uu booqan doono iyo in kale Xerada mashaqada ay ka dhacday ee Janaale oo lagu laayey siday wararku tilmaamayaan ciidamo badan oo Uganda ah islamrkaana qeybta ka ahaa howlgalka Amisom.

Khasaaraha amisom kasoo gaaray weerarka ayaa warar iskhilaafsan kasoo baxayaan waxaana jira in weli la la’yahay tiro ciidamada ah oo aan lagu ogeyn geeri iyo nolol midna.

 

 

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE