Ciidamada Amisom oo Faarujiyey Degmada Kuntuwaarey iyo Shabaab oo si nabad gelya ah kula wareegtay.

Ciidamada amisom ayaa duhurnimadii maanta isaga baxay Degmada Kuntuwaarey ee Gobolka Shabeelada hoose.

Shacabka halkaasi ku dhaqan ayaa ka war helay amisom oo ka ruqaansatay fariisin ay ku laheyd halka laga soo gala degmada oo ay la wareegtay bartamihii sanadii aynu kasoo gudubnay.

Ciidamada isaga baxay kuntuwaarey ayaa ku biiray Kuwo kale oo horey u degenaa Deegaanka Buulo Mareer.

Lama sheegin sababta ka dambeysa in Ciidamada amisom ay isaga baxaan Degmadaas oo ay maamulayeem ku dhawaad 12 bilood.

Sida laga war haayo dhawaan Ciidamada amisom ayaa dagaal xoogan waxa uu ku qabsaday degmada janaale islamarkaana halkaasi looga laayey Ciidamo tira badan.

Waxaana la qaiyaasayaa in amisom ay ka baqdin qabto in markale ay la kulmaan weerar kii janaale la mid ah, waxaana hada ay isku xoojinayaan fariisimayaasha ay ku leeyihiin deegaanada qaar.

Dagaal yahaano ka tirsan Shabaab ayaa islamarkii laga war helay inay Amisom ay guurtay lagu dhex arkay Degmada.

Calanka astaanta u ah Shabaab ayaa lagu arkay wadooyinka iyo xarumaha uu ku shaqeen jiray maamulka halkaasi maanta ka guuray.

Dadka ayaa soo sheegaya in ay arkeen ciidamo ka tirsan dagaalyahaanada shabaab oo aad u hubeysan oo dhex meereysanaya xaafadaha iyo goobihii ay degenaayeen amisom.

Dadka ayaa sidoo kale sheegaya in laysugu keenay hal goob oo loogu muxaadareeyey islamarkaana lagu buuriyey inay la shaqeeyaan Maamulka shabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE