Dhegeyso Nabadoon Tima guduud Oo Ka Sheekeeyey Sababaha Uu u xirnaa iyo Tuhunda Uu qabo

Nabadoon Maxamed Abuukar Tima guduud oo ku dhawaad 30 habeen ah ku jiray xabsi ku yaala Magaalada Muqdisho ayaa ka sheekeeyey xalaada uu kusoo arkay xabsiga iyo cid uu tuhmayo inay xarigiisa ay ku lug lahayd.

Nabadoon Tima guduud ayaa tilmaamay inay  jiraan tuhuumo badan oo la xiriira xarigiisa,islamarkaana uu hada diyaar u ahayn inuu wax magacaabo.

Waxaa uu intaasi raaciyey in loo xiray sababo ay ka midyihiin howlo isaga iyo dadkiisa ka dhaxeeyey oo loo arkay inay yihiin kuwo fogeenaya dano deegaanka laga lahaa.

Wuxuu u mahad celiyey Ugaaska Guud ee Beesha Biimaal Ugaas Axmidey Ugaas Siidcali oo oo uu sheegay in dadaala buuxda uu u galay sidii xoriyadiisa uu dib ugu heli lahaa.

Ugu dambeyn waxa uu cod dheer ku yiri “hadii tolkayga ay dano ka galaan Xasan Sheekh, Axmed Siilaanyo, shabaab iyo Mas’uul kasta waan u garaacaa albaabka mana ku joojinaayo howlahay xariga wax magarato ay ka dambeysay”.

Dhegeyso Timaguduud.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE