Go’aanka Hogaanka Deegaanka Uu Ka qabo Maamulka Koonfur Galbeed oo Sharci U raadinaya Mooryaan aan deegaanka u dhalan

Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed ayaa ku howlan sharci u raadinta Mooryaan dhul doon ah oo aan deegaanka u dhalan, islamarkaana qori ku heystay Shabeelada hoose 25kii sano ee laga soo gudbay.

Ku dhawaad seddax sano Shabeelada hoose waxa ka socda dagaal looga soo horjeedo dulmi soo jireen ah, dadka dagaalamaya ma ahan kuwa ay dowlad siiso saanada ay ku dagaalamayaan hase ahaatee waa shacab kacdoomay oo ay u cuntumi waayeen dhibaatada in muda ah lagu haayey.

Inta ay socdaan dagaalada ayaa hogaamiyayaasha ciidanka waxay kor iyo hoos u sheegayeen in deegaankan aan qori lagu haaysan doonin taana ay ka xigaan in laga dagaalamo, waxana hal qabsi aheyd “gabar yey naga harin”.

Markaad u fiiriso go’aanka deegaanka waa mid meel yaala islamarkaana aan la beenin doonin isku day kasta oo la sameeyana uu noqon doono mid dhicisooba.

Sida la wada xusuusto Guutooyin Dowlada Muqdisho ka tirsan ayaa duulaano ay usoo bareereen kusoo qaaday shabeelada hoose gaar ahaan deegaanada Beesha Biimaal, iyadoo lagu dagaalamayo mab da’ ayaa waxa laga guuleystay dhamaan dagaal oogayaashii dhibka umada biday.

Maamulka koonfur galbeed oo si buuxda uga dheregsan ujeedooyinka dagaalada Shabeelada hoose gaar ahaan kuwa ka socda laamiga dheer ayaa haatan ku adkeysanaya in leyska iloobi wixii hore usoo dhacay lana shaqeeyo Maamulka sharci darada uu kusoo dhisay.

Shariif Xasan ayaa muuqda mid gadaal u dhigaya kacdoonkii shacabka ee ay ku doonayeen in ay ku hantaan deegaanadooda oo aanan lagu maamulin.

Hadaba Muxuu yahay Qorshaha Hogaanka Deegaanka ee Maamulada Sharci darada Ee Shariif Xasan Sharciyada Uu ugu Raadinayo.

Hogaanka Deegaanka oo horkacaya Kacdoonka shacabka ayaa dhawaan kulan ay ku yeesheen Duleedka Nambar 50 kusoo saaray in dagaal looga hortago damac kasta oo ay la yimaadaan kooxaha Mooryaanta ah ee caadiyeystay inay maamulaan gobolka shabeelada hoose.

Waxaa looga digay Madaxweyne Shariif Xasan in uu ka waantoobo falalka guracan ee aan deegaanka laga jecleysan ee uu ku dhaqaaqayo, waxaana loogu baaqay in rabitaanka deegaanka uu yahay mid aan laga talaabsan karin.

Hogaanka ayaa ugu baaqay guud ahaan Shacabka Beesha Biimaal in ay u diyaar garoobaan Dagaal Jabhadeen ah oo lala galao xulufo dooneysa in dhawaan duulaano mar marsiyeysan ay kusoo qaadaan Degmooyinka hada laga xoreeyey Mooryaanta.

Hogaanka ayaa qorshe kasta oo Shariif Xasan oo aan aheyn mid deegaanak raali uu ka yahay ka door biday in loo jabhadeen doono goortii la gaaro xuriyada ay noqon doonaan kuwa ka tashta aayahooda.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE