Gudoomiyihii Hore Ee Magaalada Marka Oo Loo Magacaabay Xil Culus (Digreeto)

Digreeto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbed ayaa lagu magacaabay Taliyaha Ciidamada Nabad Sugida Magaalada Marka.

Degreetada ayaa lagu sheegay in Gudoomiyihii hore Marka Mudane Maxamed Cusmaan Cali yariisow oo loo magacaabay Taliyaha Nabad sugid islamrkaana uu qayb ka noqon doono hay’adaha amniga.

Gudoomiye Yariisow oo saluugsan sida ay wax u wadaan maamulka koonfur galbeed ayaan weli ka hadlin magacaabidiisa iyo sida uu u arko in hada loo magacaabo Taliyaha Nabad sugida Marka.

Warbisin horey aan u daabaxnay ayaan ku sheegnay in Gudoomiye Yariisow oo loo magacaabi doono Taliyaha Nabad Suda Degmada.

Halkan ka aqri Warkii hore aan u daabacnay.

timthumb.php

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE