Kulan Ka dhacay Beerta Diyeeni Oo Lagu kala kacay “Biimaal intaan Deexda Geynay ayuu hada Weerar Ku yahay Shalambood iyo Buulo”

Intiinii la socotay wararkeenii hore waxa jiray kulamo kala duwan oo ka socday Beerta Diyeeni oo ku taalay Jeebey, waxaana kulamada looga arinsanayey weeraro lagu qaado dhulka Beesha Biimaal iyo sida loo difaaci karo deegaanada ku haray gacanta Mooryaanta.

Waxaa sidoo kale kulamadaasi barbar socday raaf iyo lacag ururin xoogan oo ka socotay qoys kasta oo Habargidir ee jooga Shabeelada Hoose.

Waxa lacagtaasi lagu sheegayey inay tahay mid loogu diyaar garoobayo duulaanada lagu qaadayo meelaha horey looga xoreeyey mooryaanta, iyo dhaqaale saad looga dhigayo mooryaanta.

Kulan shalay ka dhacay Beerta Diyeeni ayaa la damcsanaa in looga tashto nooca ay noqon doonaan weerarada maadaama hada aanay jirin awood kale oo kaabeysa Mooryaanta oo horey inta badan duulaanadooda taageero ka heli jiray maleeshiyaada darees dowladeed huwan iyo kooxo lasoo kireystay  kuwaas oo hada meesha ka baxay.

Shakhsiga lagu magacaabo Cali Giriig oo lagu sheegay da’aada 42 sano jir oo shalay ku sugnaa shirkaas oo lagu gorfeenaayey dulmiga dhul balaarsiga ayaa intuu ka dhex istaagay goobta lasoo baxay buug uu horey ugu diyaariyey dhaqaalaha ku baxay duulaanadii horey u fashilmay iyo wiilasha lasoo qalday ee ku geeriyoodey dagaaladii hore iyo meydadka laga soo tagay oo la awoodi waayey in lasoo qaado.

Waxaa uu hordhigay Kaaba Mooryaanta duulaanka awooda badan laysugu geeyey ee loogu talagalay in lagu baabi’iyo awooda Beesha Biimaal iyo sida ay u dhacday in mar kale ay usoo rogaal celiyaan.

“Aaan isweydiino Biimaal intaan dhulka oo dhan aan ka qabsanay deexda aan isugu geynay, guryihiisa aan gubnay,qofkii Biimaal ah ee aan argno aan dileynay, Biimaal waa ku dhamaan waayey weli waa soo taaganyahay, maalintaas xabada meel ayey ka socotay hadan waxay joogaa sideen ku difaacanaa Shalambood  iyo Buulo” ayuu yiri Cali Giriig.

Cali Gariig ayaa intaas raaciyey in isaga shakhsiyadiisa markaan aan la weydiin karin dhaqaale lagu duulaan tago maadaamaa kuwii horey uu u dhiibay lagu heysan waayey dhulkii lagu qabsaday oo ay dhacday in mar kale Biimaal awoodiisa lagu soo celiyey.

Intaas markay sheekadu mareysay ayaa waxa mar qura isbedelay jawiga Shirka Beerta Diyeeni waxaana qof kasta oo meesha joogay ku dhegeneyd laxawga uu ka qaaday Xabada Biimaal iyo sida ay u suurageli la’adahay in lagu zuuuliyo awoodiisa.

Ugu dambeyn shairka ayaa kusoo dhamaaday fowdo iyo buuq iyadoo aan lagu gaarin waxa qorshe ah.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE