Madaxweyne Shariif Xasan iyo Suldaan Ibraahin Oo ku kala kacay Shir ay uga arinsayeen Safrkii Marka Ee Fashilka kusoo idlaaday

War ay heleyso Shabakada Markanews ayaa sheegaya in kulan ay wada qaateen Madaxweynaha Maamulka koonfur aglbeed Shariif Xasan iyo Suldaan Ibraahin Cali xaaji ay ku kal tageen.

Kulanka yaa waxa uu ka dambeeyey ka dib markii Madaxweyne Sahriif fashil uu ka raacay safar ay ku tageen Marka oo dibad baxyo xoogan lagala hortgay islamrkaan la diiday danaha ay ka leeyihiin Sahabeelada hoose.

Safarkaas waxa ka baaqsaday Ibraahin Cali xaaji, Shariif ayaa tuhunsanaa in Ibraahin uu wax ka ogaa qorshaha dibad baxa iyo fashilka maadaama uu iska diiday in uu qayb ka noqdo safarka Shariif iyo Wafdigiisa.

Suldaan Ibraahin oo ahaa maskasdii ka dambeysay Magacaabida Maamulka Xasan Cumarey oo ogaa dareenka dadka deegaanka ayaa ka gaabsaday in Maamulka laga didsanyahay uu ka qayb qaato galbintiisa wuxuuna muqdisho uu ku cliyey xubno maamulka ka mid ah oo uu ka mid yihiin Madaxa dhul bixinta, Madaxa xiriirka samafalka iyo ku xigeenka arimaha bulshada ee Maamulka.

Ibraahin iyo gudoomiye Xasan ayaa loo arkaa kuwo aragti ahaan aad u kala duwan islamarkaana waayadii ugu dambeeyey aysan yeelan waxa wadatashi ah oo la xiriira Maamulka iyo sida laga yeelayo.

Waxaana fashil kasta uu u arkaa Ibraahin mid loo baahnaa in uu dhaco maadama isaga sheekada uu banaanka ka daawanayo.

Shariif ayaa Suldaan Ibraahin ku dhaliilay inuu safarkaasi ka baaqsado maadamaa u sheeganaayo jagada ugu sareysa dhaqanka ee Beesha Biimaal ayna aheyd in uu raaco.

Ibraahin ayaa ku andacooday in aanu jirin mas’uul Degmo oo ka dambeeya odayaasha islamrkaana meel loo horkaco sida darteedna aan isagu diyaar u noqon maamulkaasi inuu geeyo marka dadka deegaankana lagala hadlo arimaha maamulka.

Shariif ayaa ku qabsaday in hada banaan cidla ah lasoo joojiyo oo ay ka horyimaadaan Maamulka uu magacaabay oo soo jeedintiisa ay lahaayeen Odayaasha Ibraahin uu hugaamiyo taasina ay tahay arin aan la aqbali karin.

Waxaana Shariif Xasan meesha uga soo baxay in Suldaan Ibraahin uu wax ka ogaa abaabulka dibad baxa Shariif Looga hortagay isga iyo wafdigiisa.

Shirka Madaxweyne Shariif iyo Suldaan Ibraahin ayaa ugu dambeyn kusoo idlaaday fashil la mid ah kii Shariif ka qabsaday safarkiisii Markacadey.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE