Sidee ku yimid qorshaha Odayaasha Biimaal ee Muqdisho magaalada Marka loogu dirayo?..Halkee marayaa qorshahaas?(xog faahfaahsan)

Waxaa maalintii shalay ahayd ka dhacay magaalada Muqdisho kulan ay ka soo qeybgaleen siyaasiyiin iyo odayaal ka soo jeeda beesha Biimaal kaas oo looga hadlayay caqabadaha soo waajahay gudoomiyaha cusub ee degmada Marka mudane Xasan Cumar oo tan iyo markii uu tegay magaalada la soo sheegayo in caqabado adag ay ka horyimaadeen.

Gogosha kulankan ayaa waxaa dhigay siyaasiga Cabdow Badooliye, waxaana ka soo qebgalay odayaasha beesha Biimaal ee ku sugan magaalada Muqdisho oo ay ka mid ahaayeen Nabadoon Kuule,Nabadoon Fanax,Nabadoon Xaaji Ibrahim, Nabadoon Awyare Abshorow iyo Suldaan Ibrahim Cali Xaaji.

Cabdow Badooliye oo mudadii ugu dambeysay aad ugu dhowaa horjoogaha Maleeshiyada Habargidir ee Sh.Hoose oo uu ka mid yahay maamulaha Hay’adda Swiss Kalmo Cali Cilmi Abtidoon ayaa waxa uu u sheegay odayaasha madasha fadhiyay in gudoomiyaha degmada Marka mudane Xasan Cumarey uu waxba dhaqaajin waayay tan iyo markii uu magaalada tegay,sidaas darteed uu isugu yeeray in ay safar ku tagaan magaalada Marka iyo deegaanada kale ee beesha, isla markaana ay ka dhaadhiciyaan shacabka ku dhaqan deegaanadaas in ay aqbalaan maamulka degmada Marka ee ah mid aan xalaal ahayn oo ay ku jiraan kaabamooriyaanta gacmahooda ay ka da’ayaan dhiiga dadka Sh.Hoose.

Cabdow Badooliye ayaa ka codsaday odayaasha in ay kala shaqeeyaan sidii looga hortegi lahaa in uu fashilmo maamulka Marka, waxa uuna u balanqaaday in asiga uu diyaariyay dhammaan qarashaadka ku baxaya safarkooda, oo ay u dheertahay qarashka hoteelada ay degayaan iyo wixii kale oo tasiilaad ah oo ay u baahdaan.

Ugu horeyntii Suldaan Ibraahim Cali Xaaji oo ka hadlay kulankan ayaa gaashaanka u daruuray fekarkaas, waxa uuna si cad ugu sheegay Cabdow Badooliye iyo odayaasha kale in markii hore tegista gudoomiyaha degmada Marka aan isaga lagala tashan, haddana uusan xalka u arkin odayaasha in loo diro Marka, walow uusan sheegin waxa ay tahay in la sameeyo taas bedelkeeda.

Nabadoonada qaarkood ayaa iyaga diiday in ay qeyb ka noqdaan safarkaas, iyadoo qaar kalena ay kal iyo laab ku soo dhaweeyeen.

Kulanka ayaa dood dheer kadib leysku mari waayay iyadoo labada dhinac ee qaarna diidan yihiin qaarna ogol yihiin fekerka uu keenay Cabdow Badooliye ay qolo walba Mowqifkooda ku adkeysatay.

Mid ka mid ah odayaasha kulankaas ka qeybgalay oo aan ka soo xiganay xogtan ayaa u sheegay Markanews.net in qorshaha uu ula yimid Cabdow Badooliye uusan ahayn mid isaga ka yimid, ee uu yahay mid ay u soo dhiibeen Cali Cilmi Cabul iyo Diirshe,ujeedadana ay tahay in ay iyaga magacooda loo adeegsado in dadka gobolka la marsiiyo maamul aan xalaal ahayn oo ay mowqif cad ka istageen.

Odayga ayaa intaa dabadhigay in lacagta uu sheegayo Cabdow in uu safarka ku maalgelinayana ay tahay mid ay u soo dhiibeen ragaas.

Odaygan ayaa inta ku daray in Cabdow Badooliye xilliyadii hore uu ahaa qof qadiyad leh, qeybna ka ahaa halganka ay reer Sh.Hoose ku jiraan laakiin mudadii dambe uu noqday qofka ay kaaba mooriyaanta Sh.Hoose Dagaalda xasuuqa ka wada ay u soo adeegsadaan meel-marinta qorshe dhagareedkooda.

Waxaa xusid mudan in Cabdow Badooliye uu horay isku dayay in uu suuq geeyo dhowr qorshe dhagareed oo lagu soo maleegay xafiiska maamulaha Swiss Kaalmo Cali Cilmi, kuwaas oo ujeedadooda ahayd in lagu sharciyeeyo dadka Sh.Hoose kaabamooriyaanta Habargidir ee jagooyin maamul isugu magacaabay degmada Marka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE