Nabadoono Marka Ku wajahan iyo Siyaasadooda Oo Laga Digaayo

Dhawaan kulan Ka dhacay gudaha Magaalada Marka ayaa waxa isugu yimid Maamulka Xasan Cumarey iyo qab qablayaal sheeganaya inay matalaan Habar gidir.

Qab qablayaasha ayaa soo jeediyey inay soo dhaweenayaan Maamulka ayna ka shaqen doonaan sidii hormar iyaga raali ay ka yihiin loo gaarsiin lahaa Marka islamarkaana lama huraan ay tahay inay helaan Odayaal ay ku sheegeen in la’aantooda aan waxba la qaban karin, muhiimna ay tahay in Biimal laga helo odayaashaas.

Qabqablayaashan ayaa soo hadal qaaday seddax nabadoon oo lagu kala magacaabo Nabadoon Kulle Abiikar Muudey, Nabadoon Fanax iyo Nabadoon Xaaji Ibraahin Axmed Barow oo ku wanaagsan wada shaqeen in lagala yeesho sidii loo dejin lahaa xaaalada cakiran ee ka jirta Magaalada Marka.

Xog ay heleyso shabakadda Markanews ayaa sheegeysa in lagu wado in Magaalada Marka ay gaaraan ilaa shan Nabdoon oo kala ah Seddaxda ay codsadeen oo ay wehliyaan Nabadoon Xasan Cali iyo Nabdoon Daa’uud Hudle Kheyre oo hada ku sugan Magaalada Muqdisho.

Ujeedada safarkana ayaa ku qotoma in ay hirgeliyaan qorshaha qabqablayaasha dhul doonka ah oo sida muuqata siyaasad cusub lasoo baxay si ay ugu sahlanaato danaha fog ee ay leeyihiin.

Waxaa la hadal haayaa qorshayaashii horey u fashilmay oo ay qeyb ka ahaayeen Odayaashan hada ku sii socda Marka, waxaana laga digayaan inay ku dhiiradaan howlaha hada loogu baaqay.

Nabadoonadan ayaa waxa horkacaya Nabadoon Kuule Abiikar Muudey oo lagu tiro shakhsiyaadka sida dhow xiriirka uu kala dhaxeeyo Kaaba Mooryaanta uu ka midyihiin Cabdul iyo Diirshe.

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE