Wasiirka Gaashaandhiga Oo Ka Aargoostay General Indho Qarshe Oo Isaga Lagu Badalay, Isaguna Kubadalay Nin Beeshiisa Ah–

Markii Raysalwasaare CCC Sharmaarke loo magacaabay booska PM wadanka waxaa Shaqada ugu weyn Qabtay oo soo abaabulay Ururka Sahal ee xaruntiisu Nairobi tahay waxaana loo keenay PM CCC Sharmarke liis wasiiro ah oo uu dhawrgoor cel celiyey Marwalba raga qoran liiska beeshiisa waxaa Soo diyaarinayey rag khubaro ah oo Nairobi jooga oo ururka Sahal hogaanka uhaya ragaas waxay soo qoreen 5 Wasiir oo khubaro ciidan iyo siyaasadeed ah oo ay weheliyaan rag lashaqeeya oo iyaguna ururkaas katirsan waxaana kamida raga khubarada ah Wasiirka cadaalada Generaal ilko jiir,Wasiirka gaashaandhiga Generaal Diini iyo wasiirka Dastuurka iyadoo beelaha kale laga soo xushay Ciyaalkii ay isku xaafada ahaayeen CCC Sharmaarke oo kala ah  Mahamed Cumar carte iyo ina Cali samatar iyo kuwo kale oo lamida waxaa dajisnaa Qorshahan ciidamada lagu inqilaabayo Taliyaha ciidamada sida loo badalay wax weyn baa kaqaldan xiliga labadalay waa xili Janaale Ugandha lagu baabiiyey siday umuuqato Qaladka waxaa dusha laga saaray Generaal indha qarsho oon waxbaba kalasoconin xerada ciidamada Uganda ilaaladeeda iyo taliskeedaba in sabab laga dhigtana waa Qalad weyn iyo inqilaabkii Generaal Daa’uud lagu Khaarajiyey oo kale Taliyaha cusub waa beesha Raysalwasaaraha waana nin Wasiirka Generaal Diini aad ugu dhawdhaw oo amarkiisa toos uqaadanaya maadaama uu isagu keenay magacaabistiisana watay.

Abaanduulaha goobaha dagaalka ayaa lagu mashquulinayaa macno badana mayeelanayo waayo taliska ciidanka iyo wasiirka gaashaandhiga waxay lakulmayaan ciidamada Amisom iyo UN ka Waxay rabaana way kasamaynayaan ciidamada dhexdooda.

Duulaanka cusub ee inqilaabkan Dhiiga Ugaandha  kudaatay ee mu’aamarada hoosta laga abaabulay u eg waxaa hogaaminaya Generaal Diini oo kusocda inuu dalka qaab mileteri oo habaysan kula wareego inkastoo caqabado badani horyaalaan hadana khubaro waaweyn oo Nairobi fadhida iyo xafiiska beesha caalamka laga maamulo soomaaliya ee Xalane oo ay fadhiyaan Raysalwasaarihii hore Cabdiwali sheekh iyo rag kale dhinaca garoowe oo Gaas kasoo taakulaynayo iyo gudaha muqdisho beesha Xasan sheekh oo 100 waji ukala socota wax weyn bay taraysaa Generaalka Qorshihiisa cusub ee uu ku inqilaabay Taliskii ciidanka ee Xasan sheekh daacada u ahaa garabka weyna u ahaa muqdisho ilaalinteeda maanta waxaa gacanta ku haya Generaal Diini oo aargoosanaya wixii 3 sano kahor lagu sameeyey isagoo adeegsanaya saraakiisha Uganda iyo Amisom guud ahaan Somaliya waxaa xor ah kaliya dadka aan hoosjoogin ciidamada Amisom ee hubaysan.

Somaliland saamaynta ay kuyeelanayso magacaabista Taliyaha cusub ee ciidamada mileteriga kumagacaaban ee Amisom hoosjooga goonidoodana aan uga hortagi karin mucaaradka hubaysan ee dalka intiisa badan haysta cidna aan kabaqaynin diyaarna u ah geeri.

Somaliland waxaa kusoo socda barnaamij weyn oo hub iyo ciidamaba lagusoo abaabulayo sida kamuuqata xukuumada Soomaaliya ee imika jirta wasiirkeeda difaaca oo badheedhay una socda inuu hubeeyo khatumo iyo cidwalba oo mucaarad ku ah Somaliland.

Cali khaliif galaydh waxaa uu kasgaqeeyey sidii laysaga horkeeni lahaa Muqdisho madaxdeeda iyo Hargaysa waana inta uu kufaani doono marka lagu qabsado aqoonsiga Galmudug inay leedahay Gaalkacyo.

Raysalwasaare CCC Sharmaarke wuxuu ka shaqeeyey inuu fashiliyo wadahadaladii macno darada ahaa ee Somaliland iyo Soomaaliya xukuumadahooda udhexeeyey oo runtii la odhankaro waa halka kaliya ee uu CCC Sharmaarke Qabtay xaga fashilinta Xasan sheekh masaxtinimadiisa taasoo dhaawac weyn ugaysatay xasan sheekh kuna waayey xulafadiisii S/land
Siyaasadu saaxiibtinimo joogto ah maleh ee dano joogto ah ayey leedahay dantaana umadaha hagta.

UMADII TASHANWEYDA WAA LOO TALIYAA SIDA SOOMAALIDA INAY TASHATO WAXAY KADOORBIDEEN IN LOO TALIYO OOY DAD KALE HOOSTAGAAN.

GUDOOMIYAHA XISBIGA SHACABKA GEESKA AFRIKA
PHILOSOPHER:HAABIIL CABDI HAYBE.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE