Xerada Amisom ee Janaale Muhiimda Intee la eg ayaa ugu jirta Howl-galka Amisom ee Shabeelada hoose

Xerda Amisom ee dhawaan lagu weeray ayaa ku taala Meel duleedka ka xigta janaale waana wabiga Jiinkiisa, waxa ay ku taalaa wadada aada  deegaanada Galbeeda ee Janaale.

Istaraatiiji ahaan goobtan waa meel aan ciidan ku habooneyn hadaan loo xulaneyn inay qarka u saarantahay Wabiga islarkaana ay ku hareereesanyihiin Beero ay geedo ka baxeen.

Marka laga sii talaabo wax ka yar Shan Km Xerada Amisom waxa ka taagan Calanka Madow ee Dagaalyahaanada Shabaab ilaa lga gaaro meel u dhow Afgooye awaamiirta ka jirta waxa iska leh Shabaab.

Degmada Janaale gudaheeda ayaa shabaabku ay ka fuliyaan howlgal kasta oo ay doonaa, wuxuuna u dhacaa sida ay u qorsheeyaan, waxaana dhowr jeer ay dilal ugu geysteen shakhsiyaad ay u arkeen inay lidi ku yihiin hadafkooda waxaana ugu dambeeyey in sheegan jiray gudoomiyaha Janaale.

Markaad la xiriir la sameyso dadka janaale ku sugan ayaa kuu sheegaya in deegaanka ay ka tlaiyaan shabaab waqti kastana la arko, waxaa hubaal ah in dagaalyahaanada shabaab si toos ah iyo si dadbanba inay u maamulaana Janaale.

Xerada Amisom ee jalaane ayaa xerada labaad e ksuoo xirga u Jirta Afgooye ama Shalambood, waana masaafo aad dheer xero kasta intay u jirto.

Waxaa ugu dhawaa Xerooyinkii amisom ee Awdheegle iyo Buufow Bacaad oo foor sii horeysay  amisom ay isaga guureen.

Hadaba hadii intaasi deegaanka oo Amisom ku xeeran ay joogaan Shabaab Maxay tahay Muhiimada Amisom ee Xeradaasi.

Sida Muuqata Amisom ma sameen jirin howlgal ay mararka qaar ku qaado goobaha lagu tuhmayo shabaab ama lagu sheego si ugu yaraan ay u yaraadaan culeysyada ka jira goobaha ay ka dhowyihiin.

Dadka wax indha indheeya ayaa fariisinka Amisom ee dhawaan la weerary u arka miid go’doon ah aan waxba soo ksuoo kordhin doonin howlgalkooda la dagaalanka shabaab ee shabeelada hoose.

Dadkan ayaa sheegaya in dano gaar ah ay meesha ku haayeen amisom oo ilaa hada aan la xaqiijin hase ahaatee waxa xiriir aan la laheyn howlgalkooda.

Taliyaha Ciidanka Milateriga Uganda ee booqday Xearada Janaale ayaa markuu ku laabtay Taliska amisom ee xalane weydiiyey Taliyaha ugu sareeya ee halkaasi ku sugan in goobtaas oo aan ahayn istaraatiijiyad ciidan weliba aan ka agdhaweyn difaac kale waxa sababay in meeshaa sciidanka lagu haayo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE