Aqri Warbixin iyo Sawiro Kooxda Magefe Ee sida Silsilada ugu Taxan Muqdisho ilaa Liibiya

unnamed 2
Magaca Barow Adan Tell 249-92356 4371 sudan

Shaqadiisu waxay tahay inuu gaari wanagsan keeno oo uu la soo heshiiyo darawalada magalada  sababto ah ma donayan iney mid kaliya ku ekaadaan sababtoo ah waxay diidayan in la barto gaarigooda.

Markuu keeno gaariga waxa dadka u soo dhiiba Maxamed Sancaani oo ku hayey maqasiin  inti ay joogeen Sudaan ka dibna gaariga ayuu ka buuxiyaa dadka  waxa uuna daba socdaa gaariga ilaa uu xadka ka talabo inti ay doontaba ha qaadato oo uu liibiya gudaha u galo ka dib waxa uu wacaya Shekh Mascuud Magafe waxa uu siinaya   information ku sabsan   gaariga noociisa, meesha uu ku soo aadan yahay,maalinta  iyo sacada  uu ku beegan yahay  si aysan u gafin gaariga   shaqadan waxa qaban jirtay xaaska  Maxamed Sancaani oo qadan jirtay lacag inta uu qaato Aadan Barow in ka badan    balse waxa ina soo gaartay iney europe gashay  mudo iminka laga joogo qiyaastii sadex bilood waanu ku daba jirna wixi qabaar ku sabsan anu helnana waanu soo gudbin doonaa oo dad ba inoo qaabilsan oo bidhaan garanaya arinkeeda.

unnamed1
Waakan Soo shirqoola Soomaalida.

Ninkan waa  kan soo shirqoola Somalida  kana soo kaxeeya Wadamada kala ah Ethopia, Yemen, iyo Somalia, qeybaheeda kala duwan oo  dad baa u jooga u shaqeeya waxaana u ku qasbaa kuwa u shaqeeya iney inta badan tahriibayalka ay keenayan ay noqdaan  dad dibeda loo jiro   waana sir iyaga u dhaxeysa balse masakiinta tahribayaalka  ma dareemi karayaan.

Hadaba sidee buu dadka u soo shirqoolaya?  waa sida tan. waxa laga soo dhadhiciyaa tahriibayalka in la kaxeynayo ayna sii mari doonaan wadanka sudan maalmo lagu heyn doono  Jiif iyo cuntaba ineysan ka wal walin oo shirkada Maxamed Sancani ayaa bixineyso  ka dibna gaari la saarayo ilaa doonida la geynayo ayna sida doonida ku raacayan qiimahuna uu yahay oo keliya $1700.  lacgtaasna aysan cid taban kartaa aysan jirin   ila ay doonida ka raacan.Balse asiga uu heyn doono lacagaha. Hadaba waxaysan tahribayaalka ogeyn in heshiiskas uu bur burayo marki uu ku hubsado gaariga libiya aadayo sababtoo ah waxa uu gacanta u gelinaya Nin lagu magacaabo sheekh Mascuud una dhashay dadka mad madow ee dega saxaraha Chad iyo libiya u dhaxeeya ee qabiilkisuna lagu magacabo [TUBA] Balse  somalidu waxay u taqaan MAGAFE. xaqiiqduse magafe ma ahan shaqsi keliya ee wa koox wada shaqeesata somalina hogaamisa,aanu u soo laabano Mr sancaani lacagihi uu qatay masakiinta tahriibiyaalka ahaa waxa  wada qeybsanaya   asiga iyo laba nin oo suudaan ah iyo kuwa dadka u soo shirqoolay oo uu siiyo halki madaxba  $150.  waxa intaa u sii dheer in  TUBA, amase MAGAFe  ay siiyaan halki gaari ee uu soo shirqoolo  $260.

unnamed33
Wakiilka magafe ee Somalia
unnamed06
Magaciisa saxda ah iyo telefoonkiisuba Xassan Adan Yarow. Tell # 252615956828. Muqdisho, Somalia.

Ninkan wa ninka u qabilsan magafe inuu lacagta u qaado wa ninka masuulka ka ah lacagaha baada ah, isla markaana amarkiisa lagu sii daayo dadka sababtoo ah  asiga magaciisa ayaa loogu diraa lacagaha baada ah  waxana wararka inagu soo garayan inoo u shaqeeyo mid ka mid ah xafiisyada AL AMAL EXPRESS ee magalada muqdisho ku yala waxana uu ku leeyahay halki qofba oo madax furasho laga dhiibayo $480. waana sidatan habka uu u shaqeeyo.

Marki dad la qabsado waxa laga so wacaya ehelada dadka oo jooga dibeda waxa la leeyahay lacag baad ah  ama madax furasho ah keena haddii kale wa la dilaya , waxa kula hadlaya nin somali ah oo magafe ag fadhiya oo sida nagu maqaalka ah kaga yimid TUnisia. waxa uu ku leyahay wa inaad $5000 bixisaa  waxadna ku dirta magacan Cambar express oo muqdisho jooga.Tell #    kan  kala xiriir  marki aad wacdo numbarkii lagu siiyey    waxaad leedahay cambar express baan doonayey  iyo weliba ma oran kareysid waxan donaya inaa madax furasho dhiibo waxad leedahay dad libiya joogan baan u diraya lacag . isla markiiba waxa uu garanaya in ad u socoto madax furasho  maadama aad tirahday camabr express, balse wa nin aad u shaki badan oo si aad ah isku ilaaliya  waxa inta badan dhacda inuu ku mer meeriyo laba casho iyo sadex marku arko inaad mar walba ku cel celineysid marki uu ku yiraahdaba igu soo celi oo aad amarka qadaneyso  buu waxa uu ku oranaya magacan ku soo dir waxa u ku siinaya magaca  ah Cabdulahi Maxamed Nuur oo laga helo tell 252615594531.

Muqdisho  ku soo dir iyo xawalada al amal epress, Runti isla marki aad dirto lacagta maalinka xigaba marki aad wacdo  waxa uu ku weydiinaya qofka aad ka bixineyso lacagta magaciisa sheeg , ka dib waxa uu ku siinaya afar numbar oo  ah afarta numbar ee telefoonkaaga oo aad ka soo wacday sababtoo ah wuu arkaya waxa uu heystaa wa telefoonada ugu casrisan dunida mid ka mid ah  ah waxa u ku leeyahay sug hada horey haka wicin oo waxad wacdaa berito sababtoo ah waxa uu wacaya sheekh maxamed mascuud waxa uuna  u sameynaya transfer lacagti qeybtiisana wa uu ka reebanaya  iyo afarti numbarba wuu siinaya intaas waxay qadaneysa ka dib maalinka xiga waxadwaceysa telefoonki libiya waxadna  sineysa sheekh mascuud  oo ah Magafe. isla marki aad  wacdo libiyawaxa kula hadlaya tarjubaan somali ah waxad siineysa afarta numbar iyo magaca qofka aad furaneyso  waxay ku leeyihiin wa tahay mahadsanid  dhib ma jiro waxa sidaa ku oranaya kan somaliga ah ee ag fadhiya sheekh mascuud ka dib waxa  kaxeynaya  askarta magafe qaar ka mid ah waxay geynayan meesha doonida laga raaco.

Jawabti uu ina siiyey. “saxiib anigu waxan qeyb ka ahay bad baadada umada somaliyed sidiina oo kale. sababtoo ah hadanan  la siin Sheekh Cali  Maxamed Mascuud . “Magafe.”  lacagta uu doonayo soo lama dilayo dadkan, Dawlad,ama wadan ay leeyihiina ma jiro oo ka dhicin karayaa ma jirto.

Muqalaska  magafe ee Doonida  u jooga
Askarti sheekh mascuud Magafe waxay ku  geynayan magaalada doonida laga raaco waxa  dadki ay iminka xabiska ka soo sareen  u geynayaan  Nin Dalaal ah oo isna somali kale ah una shaqeya nin libiyan balse yaqana somalida sida lacagta looga qaado.
Ninka somaliga ah waxa ay shaqadisu tahay inuu dadka tahriibayaalka ah ku qasbo in qofkiiba uu bixiyo  $300  taas oo uu siinayo askarti magafeyaalka ee sheekh cali mascuud ee dadkan tahriibayaalka ah  loogu soo dhiibay xabiski jirdilka  aha ee ay madax furashada kaga soo baxeen. lacagtan wa mid dheeri ah madaama la soo kaxeeyay ninkan somaliga ah baa ku qasbaya ka dib marki ninki libiyanka aha ee uu u shaqeyanayey amar sidaa ku siiyay iney bixiyaan lacagahaas dadka   tahriibiyaalka lacagtaasna waxa la saranaya lacagta doonida ay ku raaci doonaan balse waxa sii bixinaya ninka libiyanka ah ee uu u shaqeeyo maadama ay askarta magafayaalka u keenen  Dad doonidiisa  haddii ay isku dayan iney ka baxaan balanta waxa la gelinaya xabis kale.inta an la dilin ka hor waa la ciqabaya. ka dibna la dilaya
waxa aanu isku daynay in aanu la xiriirno oo aan kala xajoono dalaaal magafe  ee donida jooga waxa ina soo gaartay inuu ka yimid wadanka tunisa uu ka soo galay LIBIya waxa uu magaciisu ku soo koobay Qadar waxa uu inagu yiri wadanka libiya ayaan u soo shaqo doontay ee adinkana shaqa taga
waxa lacagaha loogu diraa wa qofkan dumarka ah sida ad halkan ka aragtaana waxa ku sawiran  cadeynti in loogu diray lacagaha iyada ayaa masuul u ah oo lacagaha u qada . ma kala garan garo in dhanka ninka libiyanka ah ay ka socoto iyo kan somaliga ah balse wa qof ay aminsanyihiin oo masuul ugu ah lacagahooda ka dibna waxay telefoonka ku wacda liibiya oo amar ku bixisa in qofka magaciisu yahay hebel uu bixiyey lacagti  sidaasna doonidi europe aadeysay uu ku raaco waxa inoo suurta gashay in aanu helnay VIberkeeda sida halkan ka muuqata  waxana ay joogta magaalada Hargeisa.
Massulka Muqalaska Doonida. u fadhiya hargeisa ee lacagaha u qabta.
unnamed5
Magaca farxiya cabdi wahab cusman Loo yaqaan Degan, Tell#252634260911 Hargeisa, Somaliland.

unnamed4 unnamed55

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE