Dhegeyso Wasiir Fiqi Oo Ku Sugan Talyaaniga Wareysi Xiiso Badan Na siiyey

Wasiirka Wasaarada Beeraha iyo waraabka ee Maamulka koonfur galbeed oo hada ku sugan Wadanka Talyaaniga ayaa na siiyey Wareysi xiisa badan oo dhinacyo badan taabanaya.

Wasiir Fiqi ayaa ugu horeyn sharaxaad ka bixiyey safarka uu ku aaday Talyaaniga iyo kulamo kala duwan oo halkaasi ka dhacay oo looga hadlayey arimaha maalgashiga.

Waxaa uu tilmaamay in ay jiraan dad doonaya maalgashi oo u badan shirkado oo kulamo uu kula qaatay Magaalaga Milaano ee Dalkaasi Talyaaniga.

Sidoo kale Wasiir Maxamed Xasan Fiqi ayaa ka sheekeeyey qaabka uu ku yimid Maamulka Magaalada Marka iyo siyaasada Koonfur galbeed uu ka damacsanyahay Shabeelada hoose.

Wasiir Fiqi ayaa ugu dambeyn ka sheekeenaya qaabka lagu wajahaayo Siyaasada isjiid jiidka ah ee ka jirta Shabeelada hoose.

Dhegeyso Wareysiga maxamed Xasan Fiqi.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE