Badbaadada Umada Soomaaliyeed Waxay Ku Jirtaa In Hogaanka Soomaaliya Ay Qabtaan Dad Aan Boob Iyo Qabyaalad Kumashquulsanayn

Umad walba waxaa soo mara xiliyo adag oo dhibweyn oo xaga siyaasada burburweyn kusameeya waxaana kadambeeya xili hogaamiyeyaal wanaagsan oo daacad ahi ay yimaadaan oo saxaan qaladaadkii soo maray umadaas waana wax caam ah oo dunida qarni walba soo mara lagana gudbo layskana ilaawo inkastoo umadaha kale ay qoraan si taariikhdooda ay uxasuustaan xiliyadii dhibka soo maray iyo burburka.
Somaliya dhibka haysta waa siyaasiyiin xumo iyo Shacab dulman oo aan xaqooda sida looga dhacsado tuugada siyaasada fadhataysanaysa ee aan arxan iyo wanaag midna usamaynin shacabka Soomaaliyeed.
Waxaa muhiima in lafahmo siyaasada maanta kajirta Soomaaliya inay fashilweyn kudambaynayso federaalkuna uu si xaqdarro ah usocdo dalka Soomaaliya waxaa kunool Qawmiyado kaladuwan oo kala ah 1-Qawmiyada Jareerweyne oo dad tiro iyo tayoba leh ah farsamo yaqaana ubadan iyo beeraleey.
2-Qawmiyada Dir oo ah kuwa geeska afrika ugu badan guud ahaa 80% kabadan kana kooban (Biyomaal,surre,jiido,mandaluug,Garre,Gaatsan. Quraanyoow,Baajamaal,Dabruube,Reer-Awsiciid,Wardaay,Rayndiinle,Boorane,Magaadle,gurre, Garriire,Gurgure,Akishe,Layiile,Reer dood,madigaan,Bursuug,Jaarso,Samaroon,Ciise madoobe,Xinftire,Isaaq,iyo Guud ahaan Oromo oo dhan
Waana ugu yaraan 60 million dadkaas geeska afrika kunool awood aan lajoojinkarin oo soo socotana ah.
3-Digil&mirifle oo ah 9&8 da Samaale waana dad aad ubadan oo kunool 8da gobol ee wabiyadu maraan iyo wadamada dariska la ah Soomaaliya guud ahaan.
4-Daarood oo kunool guud ahaan geeska afrika.
5-Hawiye oo caasimada isugu soo ururay inta badan iyo inta udhaxaysa Hiiraan ilaa galkacyo oo lala dago.
Markaa waxaa layaab leh in umada Soomaaliyeed ay dulmi ugu afduubnaadaan dad tiro yar oo Shisheeye dalka u adeegsanaya inay boosaska sare ee dawlada haystaan oon awood siyaasadeed iyo mid bulshaba kulahayn miisaan weyn, Qawmiyadahaas aan hore usoo tirinayna xaqooda laqariyo oo ladulmo iyadoo Dawlado shisheeye ciidamo ajinabi ah lagasoo kaxaysto oo lagu qabsado deegaano dadkii lahaa noolyihiin oo kudhaqanyihiin waa muhiim in Soomaali cadaalad sisax ah uhesho oo qofwalba xaqiisa siyaasadeed uu helo.
Cadaalad ayaa umad deeqda lacag iyo aduunyo umada madeeqdo waana ujeedada ugu weyn ee aanu kaleenahay umada Soomaaliyeed inay cadaalad hesho.

XISBIGA SHACABKA GEESKA AFRIKA CADAALAD IYO SINAAN UMADA DHEXDEEDA USIMANTAHAY SHARCIGA ILAAHAY USOO DAJIYEY BANII AADAMKA EE QURAANKA
KALIYAANA LAGA HELI KARAA CADAALADAAS CID KALE OO CADAALAD SAMAYNKARTA MAJIRTO WAANA MUHIIM IN LAFAHMO DHIBKA HALKA UU KAJIRO.

GUDOOMIYAHA XISBIGA SHACABKA GEESKA AFRIKA
PHILOSOPHER: HAABIIL CABDI HAYBE.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE