Maxamed Cabdi Kaliil Oo Garbahaarey Gaaray iyo Safarkiisa Oo Xiisad Dhaliyey

Maxamed Cabdi Kaliil oo Dowlada Fedaraalka ugu magacaawnaa Gudoomiyaha Gobolka Gedo ayaa dib ugu laabtay Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolkaasi.

Kaliil ayaa dhawaan warqad kasoo baxday Maamulka Jubbaland lagu sheegay in Kaliil xil ka qaadis lagu sameeyey islamarkaana xilkaasi loo magacaabay Gudoomiye cusub hase ahaatee isaga wuxuu ku adkeestay inuu yahay Gudoomiyaha sharciga ee Gedo.

Markii Maxamed Cabdi Kaliil uu gaaray Garbahaarey ayaa waxa gurigiisa isku gadaamay Ciidamada Ithopia ee gacanta ku haaya Degmadaasi, waxaana taas ka dhalatay xiisad cusub.

Shacab careysan ayaa ku hormudaaharaaday guriga Kaliil waxaana ugu dambeyn Ciidanka Itoobiya ay isaga tageen gurigii ay hareereeyeen ee uu Garbahaarey ka deganaa Maxamed Cabdi Kaliil.

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE