Qaraabada Askartii AMISOM Looga Dilay Degmada Jannaale “Waxaa Nala Siiyey Meyd Qaldan Oo Aan Wiilkeenna Ahayn”

James Odoki oo ah Qaraabada mid ka ah askartii Uganda looga dilay weerarkii ugu dambeeey ee Xarakada Al-Shabaab ay ku qaadday saldhigga AMISOM ee degmada Jannaale ayaa sheegay in si khaldan loo siiyey mayd aan ahayn wiilkooda.

Emmanuel Wanyama oo ahaa wiilka laga dilay qoyskan ayaa sheegay in naxashka uu ku qornaa magaca wiilkooda balse naxashka gudahiisa ay ugu tageen meyd kale oo dhirir ahaan ka gaabnaa wiilkooda.

“Wiilkeenna Emmanuel Wanyama wuxuu ahaa qof xoog leh, calaamad nabar ah ayaa kaga taallay garbaha, wuxuu kugubtay mishaari xilligii uu yaraa, balse markii aan furnay naxashka, waxaan ogaannay inuu maydka ahaa qof gaaban, wax calaamad ahna kuma yaallin gacmahiisa,” ayuu yiri James Odoki oo ah nin adeer u ah askariga la dilay.

Afhayeen u hadlay ciidanka Uganda ayaa sheegay in la samayn doono baaritanno DNA (Hido Side), si loo kala aqoonsado maydadka ciidamada Uganda ee la laayey.

James Odoki ayaa sheegay inay joojiyeen qabri qodis ay wadeen kaddib markii qoyska ay aqoonsadeen inuusan maydka ahayn wiilkooda.

Dowladda Uganda ayaa dalkeeda u dhoofisay maydadka 10 ka tirsan askartii lagu dilay weerarkii Xarakada Al-Shabaab ay toddobaadkii hore ku qaadday saldhig AMISOM ay ku lahaayeen degmada Jannaale.

 

Isha: The Monitor

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE