Qarax AMISOM Lagula Eegtay Suuqa Qudaarta Ee Degmada Marka

Waxaa maanta duhurnimadii Ciidamo ka tirsan kuwa Amisom oo marayay suuqa qudaarta ee magaalada Marka lala eegtay qarax la sheegay inuu ahaa Bam Gacmeed kaasoo geestay qasaaro soo gaartay dad shacab ah .

Ciidamada AMISOM ayaa rasaas dhinacyada u kala firdhiyey kadib markii qaraxa lagu ganay.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga tirada ciidamada AMISOM iyo kuwa dadka shacabka ah ee ku waxyeeloobay qaraxan.

Dib ayaan ka soo sheegi doonaa wixii faahfaahin oo qaraxan la xiriiro inshaa Allah.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE