Wasiir Maareere “Hadii Cali Dheere Uu Isku Soo Dhiibo Dowlada Cafis ayaa Loo Fidinaa”

Wasiirka wasaarada Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya C/hi Xayer Maareeye oo maanta ka qayb galay Munaasabad Muqdisho lagu qabtay ayaa sheegay in cafis loo fidin doono dhamaan saraakiisha Shabaab hadii ay isku soo dhiibaan Dowlada Fedaraalka.

Wasiirka ayaa sheegay hadii la arko Afahayeenka Shabaab Sheekh Cali Dheere oo isku soo dhiiba Dowlada la cafin doono hadii dadkiisa uu ka mid noqdo oo uu nabada qaato.

” Dadka Nabad diidka oo dadka dilaya, Dowladana Qarxinaya ayey tiri cafis baad tihiin ee kasoo laabta ficilada qaldan aad ku jirtaan, Ninka la yiraahdo Cali Dheere hadii uu maanta yimaado iskuna soo dhiibo Dowlada waa Cafis, soo maahan ninka maalin walba yiraahda intaas ayaan dilnay anagaa wax qarxinay, maanta hadii uu yimaado uu nabada qaato kana tanaasulo ficilada qaldan waa la cafinayaa, waayo waa Soomaali qaldamay waxaan diyaar u nahay in aan dhaqan celino oon meyl geyno” Ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Fedaraalka.

Wasiir Maareeye ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan Ciidamada amaanka si buu yiri looga guuleysto kooxaha nabada kasoo horjeed.

maar_3 maar_1 maar_2

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE