Xarakada Alshabaab Oo Soo Bandhigtay Meydadka Askartii AMISOM Ee Ay Ku Laaysay Weerarkii Jannaale

Toddobaad kaddib weerarkii lagu qaaday saldhiga AMISOM ee degmada Jannaale ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa Xarakada Alshabaab waxay soo saartay sawirro muujinaya khasaaraha ay gaarsiiyeen AMISOM.

Sawirrada ayaa muujinaya weerar lagu galaayo saldhigga Jannaale iyo dagaalyahanno tooganaya dhowr askarta dalka Uganda ee goobta ku sugnaa.

Sida Xarakada Alshabaab baahiyeen, weerarka waxaa geysatay guutada “Sheekh Abu Zubayr” oo loogu magac-daray Amiirkii hore ee Xarakada Al-Shabaab  Sheekh Axmed Cabdi oo lagu dilay weerar ay fulisay diyaarad drone oo Mareykanka uu leeyahay sanadkii hore.

Sidoo kale, guutada Abu Zubayr ayaa ka dambeysay weerarkii saldhiiga AMISOM ee Leego oo Burundi badan lagu laayey iyo mid kale oo lagu qaaday askar Itoobiyaan ah kaas oo isagana dhaliyay khasaare xooggan.

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegtay inay weerarkii Jannaale ku dishay in ka badan 60 askarta dalka Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

11 12 13 14 15 16 17 18 19

10 9 8 7 6 1 2 3 4 5

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE