Amisom iyo Ciidamada Dowlada Oo Isaga Baxay Deegaan Muhiim ah

Wararka ka imaanaya Deegaanka Moorogaabey ee Gobolka Bakool ayaa kusoo waramaya in Ciidanka amisom iyo kuwa dowlada fedaraalka ay maanta isaga baxeen Deegaankaasi.

Deegaanka Moor-gaabey ayaa waxa la wareegay dagaalyahaanada Shabaab ka dib markii Ciidankii ku suganaa ay baneeyeen.

Lama oga sababta ka dmabeysa in Ciidamada amisom gaar ahaa kuwa itoobiya iyo kuwa dowlada fedaraalka ay baneeyaan deegaankan oo dhawaan ay kala wareegeen shabaab.

Amisom ayaa dhul badan oo ku yaala Bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya isaga baxeysa kuwaas oo rafaad ay ka martay markii ay ka qabsanayeen shabaab hase ahaatee si fudud gacantooda uga bixinaya.

Deegaankan ayaa waxa kusoo noq noqday dagaalo ay shabaabku ku qaadayaan ciidanka halkaasi ku sugnaa.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE