Beesha Biimaal Oo Maanta Shir Lagu Dooranayo Duub Dhaqameedyo Uga Furmay Magaalada Marka

Waxaa maanta magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha hoose ka furmay shir dhaqameed looga arinsanaayo Dhaqan-Rogan la sheegay inuu ku dhacay Duub-Dhaqameedyada beesha Biimaal sanadahii ugu dambeeyey.

Shir dhaqameedkan oo ay soo abaabuleen Culimaa’uddiinka iyo Waxgaradka beesha Biimaal ayaa waxaa ka soo qayb galayo odeyaal dhaqameed caan ah oo ka kala yimid deegaano Sh/hoose ka mid ah sida : Baraawe, Qoryooley, Jannaale, Raaxoole, Buulo Mareer, Muqdishu iyo deegaano kale oo badan.

Kulan dhaqameedka maanta ka furmay magaalada Markacadey ayaa lagu wadaa inuu socon doono muddo todobaad ah, waxaana la sheegayaa in dib u habeyn lagu sameyn doonaa odeyaasha dhaqanka beesha Biimaal oo sanadihii ugu dambeeyey lagu eedeynayey inay Dambiil ku riteen shacabka beesha Biimaal isla markaasina deegaanadooda ku iibinayeen suuqyada magaalada Muqdishu iyo meelo kale. Wararka waxay intaasi ku darayaan in maalmaha soo socdo la dooran doono Duub Dhaqameedyo cusub oo beesha Biimaal ku matali karo meel walbo oo danta beesha ku jirto.

Sidoo kale, odeyaasha xiligan dhaqanka ugu magacaaban beesha Biimaal ayaa lagu eedeeyey iska-horkeenid ay ka wadaan jufooyinka beesha dhexdeeda iyadoo la xasuusto in odeyaashan qaarkood ay madaxa isku geliyeen jufooyinka beesha markii la dhisaayey maamulka cusub ee degmada Marka.

Kulan dhaqameedka maanta ka furmay magaalada Marka isla markaasina socon doono muddo hal todobaad ah ayaa lagu wadaa in lagu doorto Duub-dhaqameedyo waxtar leh oo ay ka go’i doonto talada guud ee beelahha Biimaal.

Muuqaallo iyo Sawirro ku saabsan shir dhaqameedka beesha Biimaal maanta uga furmay magaalada Markacadey waxaan idiinkugu soo gudbin doonaa qoraaladeena soo socdo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE