Ciidanka Kenya ee Jubooyinka Oo Xabsiga U taxaabay Saraakil Ka Tirsan Ciidanka Jubaland

Ciidamada ka socda Dowlada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga afrika ee Soomaaliya ayaa xabsi dhigay laba sarkaal oo ka tirsanaa Ciidanka Maamulka jubbalnd ee ku sugan Deegaanka Hoosingow.

Xariga labada sarkaal yaa ka dambeeyey ka dib markii ay ka biya diideen dhaqaale laga qaado Degaanka in %10 laga siiyo Ciidamada Kenya.

Saraakiisha ayaa ku andaciiday in Kenyaatigu qaataan lacago mushaharaad ah iyo gunnooyin kale hase ahaateen Ciidanka Soomaalida ee halkaasi ku sugan aanay helin wax lacag ah marka laga reebo canshuuraha iyo kuwa kale ee ay ka helaan isbaarooyinka.

Sarkaal lagu magacaabo Cali Maxamuud Xoogsade oo ka mid ah Saraakiisha halkaasi ku sugan ayaa warbaahinta u xaqiijiyey xariga saraakiisha oo uu sheegay in maalintii shalay xabsiga la dhigay.

Xoogsade ayaa timaamay in Saraakiisha Soomaalida ee Hoosingow ay ku kala qaysanyihiin in Sarkaalka Kenya ee halkaasi fadhiya la siiyo %10 dhaqaalaha Deegaanka kasoo xarooda.

Ciidamada ka kala socda Itoobiya iyo Kenya ayaa ku dhiirada inay xabsi dhigaan Saraakiisha Ciidamada Dowlada iyo kiwa maamulada halka ay jaga suganyihiin Soomaaliya hase ahaatee Ciidamada kale ee dhigood ah ee ka socda Uganda iyo Burundi ayaan sameen fal lagu xirao Soomaalida.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE