Dhgeyso Waxgaradka Beesha Biimaal oo Sheegay in hogaan dhaqan Oo Sax ay Magacaabi Doonaan

Markii Maanta uu soo gabagaboobay Kulankii ka furmaya Magaalada Marka ayaa waxa inoo suuragshay in aan wareysi la yeelano dad ka mid ah kasoo qaybgalayaashii Shirka.

Dadka aan wareysig la yeelanay ayaa weerar afka ah qaaday dad ismagacaabay oo magacyo sheeganaya iyo kuwii xilka loo magacabay oo xilkooda gudan waayey.

Waxa ay sheegeen in Suldaan hore uu jiray oo xilkiisa qabsan waayey iyo suldaan ismagacaabay oo xilka si kasta u adeegsanaya ayey sheegeen in looga tashan doono shirka soconaya.

Xaaji Xasan Barre oo ka mid ah duqeyda dhaqanka ee Beesha Biimaal oo ka mid ahaa Odayaashii aan wareysiga la yeeshay ayaa sheegaya in maalmaha soo aadan laga sugaayo Suldaan sax ah oo ay yeelatao Beesha Biimaal islamarkaana laga bixi doono dhib ay geystaan shakhsiyaad ismagacabaay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE