Dowladda Uganda Oo Shaqada Ka Joojineyso 15 Askari AMISOM Ka Tirsan Oo Lagu Helay Inay Muqdishu Ku Kufsadeen Haween Soomaali Ah

Afhayeenka Ciidamada Uganda Paddy Akunda ayaa xaqiijiyey in shaqada laga raacdeynayo 15 ka tirsan ciidmada Uganda ee qaybta ka ah howlgalka midowga Afrika ay Somalia ka wadaan ee AMISOM.

Askartan AMISOM ka tirsan oo dhammaantooda u dhashay dalka Uganda ayaa shaqada laga eryay kadib markii ay soo baxeen eedeymo ah inay kufsi u gaysteen Haween Soomaaliyeed.

Paddy Ankunda oo wareysi siinayey Wakaaladda Wararka AFP ayaa shaley cadeeyay in wasaaradda gaashaandhigga Uganda ay shaqada si kumeel gaar ah looga joojiyay balse aan si dhameystiran loo rukhseynin.

Afhayeen waxaa uu Sidoo kale  sheegay inay jiraan tacaddiyo kale oo AMISOM lagu soo eedeeyey balse xiligan Uganda ay  xoogga saarayso arrimaha xagga Kufsiga oo dhaawac weyn u geysatay sumcadda ciidamada AMISOM iyo haweenka Soomaaliyeed.

Hay’adda  Human Rights Watch, ayaa waxay  ciidamada Uganda ee AMISOM ka tirsan ku eedeysay inay xadgudubyo kula kacaeen haween Somaliyeed.

Hadalka ka soo yeeray Afhayeenka ciidamada Uganda ayaa u muuqdo mid mushaar reer galbeedka looga qalqaalinayo ciidamada AMISOM oo waqtiyadaan dambe ay isugu darsameen mushaar la’aan iyo dagaallo kulul oo ay Alshabaab kala kulmaayaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE