Kooxda ahlu Sunnah oo Weerartay Wasiir Ka Tirsan Maamulka C/kariin Xuseen Guuleed

Wararka ka imaanaya Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galguduud ayaa kusoo waramaya in kooxda ahlu sunna ay weerartay Wasiir ka tirsan Maamulka C/kariin Guuleed ee fadhigiisu yahay Cadaado.

Wasiirka la weeraray oo lagu magacaabo Cabdi ladiif C/llaahi Warsame ayaa degenaa guri ku yaala Caabudwaaq ee Gobolka Galguduud waxaana weeraray dablay ka tirsan kooxda ahlu sunnah.

Wasiirka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dableydii soo weerartay iska caabin xoogan ay kala kulmeen ilaalada guriga islamarkaana laga dhaawacay sida warbaahinta uu u sheegay ilaa seddaxruux oo kooxihiim wax soo weeraray ka mid ahaa.

Horjoogayaal ka tirsan Kooxda ahlu sunah ayaa dhankooda sheegay in aanay aqbaleyn mas’uuliyiin xil ka haaya Maamulka C/kariin Guuleed inuu yimaado deegaanada ay uu maamulkooda ka taliyo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE