Magacyada 3 Odey Biimaal Oo Shirqool U Maleegay Ciidamada Deegaanka Ee Ka Howlagala Deegaanka Cambareey Ee duleedka Buulo Mareer

Deegaanka Buulo Mareer ayaa dhawaan kusoo biiray beelaha lagu dhibaateeyo dadka shacabka ah ee aan shaqa ku lahayn dagaalada iyo siyaasadaha ka jira shabeelada hoose.

Waxaa arinkaas ka gadooday oo qori ka qaatay dhalanyaro deegaanka ah oo fariisin ka sameystay halka loo yaqaano Xaramka oo u dhexeysa Cambarey iyo Buulo Mareer, waana goob istaraatiji Ciidan ah weliba ku haboon Talis Milateri.

Dhalanyarada ayaa diiday in uu maamulo Odey ama ay ka tala maqlaan shakhsi halkaasi jooga waxaana ay usoo qayla dhaamiyeen Taliska Nambar 50 oo uu ku arooro qorshe kasta oo halgan deegaanka ah.

Saraakiisha Nambar 50 oo ka jwaabaya qeyla dhaanta Ciidanka Cambarey ayaa halkaasi u diray 40 wiil oo qaarkood ay yihiin Saraakiil loo xil saaray dagaal gelinta iyo sameynta Istaraatijiyada.

Beelaha Dul ballaarsiga oo ka careysan dhalanyarada gadooday iyo awooda ay u lahaan karaan inay soo weeraraan Buulo oo ganacsi uu ka jiro ayaa kulamo kala duwan ka yeeshay sida laga yelayo wiilashaas qoriga meela lafariistay.

Waxay isku afgarteen in Calooshooda u shaqeystayaal ay u darantahay nolol maalmeedkood oo xornimo mustaqbalka ah aan raja ka lahayn in loo adeegsado kala dirirda Ciidanka.

Mudo Seddax Maalmood ayaa Oday xumayaal lasoo adeegsaday waxa ku howlanaayeen sida ay ka yeelayaan qorshaha kala geuynta Ciidanka iyo sida loogu qancin karo in ay qoryaha tiiriyaan

Odeyaashaan khaa’iniinta ah ayaa kala ah: Walaal Cabdi Cusmaan, Nuur Cali iyo C/raxmaan Sheekh Nuur. Nimankan waa shakhsiyaad xiririir wanaagsan la leh kaaba Mooryaan Garaad oo ahaa kaaba mooryaantii dhibaatada fog ka waday deegaagaas. Mooryaan Garaad waa ninkii abaabulay dilkii loo geystay gudoomiye kuxigeenkii Buulo Mareer 3 usbuuc ka hor.

Isku deygooda hore ayaa ka bilowday in dhalanyarada ay ka dhaadhiciyaan fikrado kala duwan, waxa ka mid ahaa in haatan aan la xamili karin dagaal iyo baabul colaadeed sidaa darteed qorshahan dib loo dhigo lagana shaqeeyo nabada.

Wiil Magaciisa lagu soo koobay C/risaaq ayaa inta uu ka dhex booday Ciidankii Feelka ku jiray uu rasaas ku furan odayaasha oo halkaasi kasoo orday,”waxa uu ku qayliyey shirqool waan idin ka diidnay” odey xuma yaasha ayaa qaatay go’aan ka duwan kii hore ayna adeegsadeen awood kasta oo wiilasha lagu kala diri karo xitaa Habar gidir in loo adeegsado, waxaana u cadaatay in Wiilal go’aan leh ay meesha joogaan.

Oday Xumayaasha ayaa maalintii Khamiista ee aynu kasoo gudubnay Ciidamada oo difaac ugu jiray Deegaanka Cambarey u adeegsaday Amsisom, xilli aroor hore ah ayaa laga war helay Ciidanka oo la heerareeyey oo ay dul joogto amisom oo aad u hubesan.

Amisom ayaa loo soo shegay in Ciidankaas ay yihiin kuwo ka tirsan Shabaab islamarkaana deegaanka ka wada khas iyo fowdo oo Odayaasha ay marnaba raali ka noqon karin in deegaankooda shabaab ay mar kale dib ugu soo laabato.

Amisom oo ka duuleysa hadalka Odayaasha dulloobay ayaa kusoo jarmaaday Wiilasha xaqa u dirirka ah oo lagala dagaalamayo in ay xornimo deegaanka gaarsiiyaan halka odayaasha ay u ordayaan inay maalintaas orodkooda ku helaan nolol maalmeedkooda.

Taliska Amisom ee Ceeljaale ayaa isla aroornimadii waxa ku jarmaaday Odayaal deegaanka ah oo ka dacwoonaya in ciiidankooda weerar lagula jarmaado weliba lagu sheego inay ka tirsan yihiin Shabaab oo aan waxba ka jirin, shir waqti kooban socday ayaa amisom waxay xiriir la yeelatay taliskooda cambarey oo loo sheegay in howlgalkaasi uu yahay mid aan raali laga ahayn dibna loo celiyo ciidanka howlgalka loo diray.

Waxaa sidaa ku fashilmay qorshaha Oday xumayaasha doonayey inay afduubtaan dhalinyarada halganka u kacay.

Isla habeenkii Khamiista oo Jimcaha soo gleysay ayaa Odyaasha waxay adeegsadeen Dagaalyahaano ka tirsan Shabaab si mar kale loo carqaladeeyo dhalinyarada.

Shabaab ayaa habeenkaas qafaatalay 20 wiil oo magcayadooda loo soo sheegay weliba lagu tirinayey Saraakiisha halkaasi Ciidanka ku carbineysay waxaana intooda badan ay ahaayeen Ciidankii laga diray Nambar 50.

Waxaa sidaa lagu kala diray dhamaan dhalanyarada deegaanka ee qoriga qaadatay loona sheegay in Odayaashooda ay raali ka aheyn in deegaanka uu dagaal ka dhaco, waxana hada shabaabka gacantooda ku jira Wiilasha ay u adeegsadeen oday xumayaasha.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE