Maxaa Kasoo Baxay Shirkii dhaqameedkii Maanta ka Furmay Magaalada Mar (Sawiro)

Shir dhaqameed looga tashanayo aayahay Beesha Biimaal iyo Sida laga yeelayo hogaan dhaqameedka maalmahan la eedeenaayey ayaa sidaan wararkeenii hore ku sheegnay maanta ka furmay magaalada Marka.

Kulamada ayaa socon doona Maalmo, waxaana maanta kasoo qayb galay marti sharaf kala duwan siada Wabarka Beesha Biimaal Macalin Sheekh Xuseen Bunle, Faqiga Beesha Biimaal Sheekh Cusmaan Macaawe Wakiilka Ugaaska Beesha Biimaal, hogaan dhaqameedyo, Culimada, waxgaradka iyo aqoonyahaanka Beesha Biimaal.

Kulankii Maanta ayaa lagu gorfeeyey awooda Suldaanka Beesha Biimaal iyo sida lagama maarmaaka ay u tahay in la helo Suldaan sax oo aan ahayn mid beesha loo soo magacaabay oo magaca Beesha ku dhibaateeya dadka mas’uuliyadooda uu sheeganaayo.

Waxaa lagu wadaa in Maamlinta berita ah halkiisa laga sii amba qaado Shirka islamarkaa lasoo magacaabo Suldaan ay u wada dhantahaya Beesha Biimaal.

Ka dib waxa loo gudbi doonaa dhamaan shakhsiyaadka huwan magacyada hogaamiyayaasha dhaqanka ee howshooda gabay.

DSC00138

DSC00139 DSC00149 DSC00153 DSC00156 DSC00158     DSC00177 DSC00178 DSC00181 DSC00183 DSC00184 DSC00132 DSC00138 DSC00126 DSC00137 DSC00136 DSC00135 DSC00134 DSC00133 DSC00132 DSC00127 DSC00126

DSC00165 DSC00167 DSC00163

DSC00170 DSC00154

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE